”UBAX” baa la moodaa balse waa xayawaan badeedka dunida ugu SUNTA badan

0

(Hadalsame) 21 Abriil 2023 – Saynisyahanadu waxa ay sheegeen in noole badeed leh 24 indhood laga helay balli dhoobo ah, taas oo la sheegay in sida la rumaysan yahay uu xubin ka yahay nooc cusub oo ka mid ah bah-kalluunka lagu magacaabo jellyfish oo aad u badan.

Nooc cusub ee ka tirsan bahda kalluunka jellyfish , ayaa la sheegay inuu leeyahay jidh hufan oo dhererkiisu ka yar yahay hal inji iyo saddex teendho dheer oo gaadhaya ilaa 10 sentimitir, kaas oo ku sugnaa balli ku yaal Po Reserve, Hong Kong.

Makhluuqan ayaa sidoo kale leh 24 indhood, oo si siman u qaybsan, kuwaas oo ku yaala gudaha xubnihiisa dareenka, oo loo yaqaan “rhopaliums”.

Bahda jellyfish ayaa ka yimi magacbixin ku aaddan qaabka jidhkooda, waxayna leeyihiin dabo dhuuban oo dheer, halkaas oo ay ka soo daayaan sun xooggan oo sababi karta curyaamid, wadne istaag iyo xataa dhimasho dhowr daqiiqo gudahood ah.

Waxaana bahdan loo aqoonsan yahay in ay yihiin xayawaan badeedyada dunida kuwa ugu suntan badan.

Koox saynisyahano ah oo ay hoggaaminayaan baadhayaasha Jaamacadda Baptist ee Hong Kong ayaa kormeerayey bahdan kalluunka ee jellyfish muddo saddex sano ah, iyaga oo ogaaday in iyaga oo tiro badan ay ku jiraan oo kasoo muuqanayaan barkadaha lagu kaydiyo nooca kalluun ee argoosatada loo yaqaan ee Mai Po Nature Reserve.

Nooca cusub ayaa ah midda keliya laga yaqaan gobolkan, taasoo keentay saynisyahano inay u magacaabaan magac aqooneedka Tripedalia maipoensis si ay ugu sharfaan meeshii laga helay.

“Hadda waxaa lagu yaqaanaa Mai Po oo keliya,” ayuu yiri madaxa cilmi-baarista Professor Qiu Jianwen, inkasta oo uu sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay aaminsan yihiin in noocyadan sida oo kale laga heli karo meelo fog oo adduunka kale ah.

Kooxdan kalluunka ah ee loo yaqaano jellyfish ayaa ka mid xayawaannada yaabka leh, waxa uu ka kooban yahay jidh ahaan jidh biyo u badan oo aan lahayn maskax, dhiig iyo lafo.

Saynisyahannada qaar ayaana qaba inkasta magacoodu kalluun xagga danbe ka wato haddana in aan loo tix gelin Karin kalluun ahaan.

BBC

Hadalsame Media