”Wuu dhaqan xun yahay” – Ronaldo oo lasoo jeediyey in la xiro kaddibna laga tarxiilo Sucuudiga (Xeer-ilaalinta oo…)

0

(Riyaad) 21 Abriil 2023 – Qareen u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku baaqay in la xiro oo la masaafuriyo Cristiano Ronaldo kaddib markii uu xiddiggan kubadda cagtu uu gacanta ka qabtay xubintiisa taranka isagoo ku caayaya taageerayaasha koox ay xafiiltamaan.

Yeelkeede, saaxiibada Ronaldo ayaa ku adkaysanaya inuu xilligaa muujinayey dhaawac xanuujinayey.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya 38-jirkan weerarka ka ciyaara oo kor u jiidaya wixiisa markii uu garoonka ka baxayey kaddib guuldarradii ay 2-0 dirtay kooxda Al-Hilal Talaadadii.

Dhaqankaas xun ee u muuqdey mid ku wajahan taageerayaasha Al-Hilaal oo ku dhawaaqayey magaca ninka ay mudada dheer xafiiltamayeen Ronaldo ee Lionel Messi, ayay dad badani aad uga dayriyeen.

Dhaqanka Ronaldo “wuxuu ahaa dembi,” ayuu soo qoray qarreenka Sucuudiga ah ee Nouf bint Axmed oo Twitter-ka adeegsanaya.

“Falka anshax-darrada ah ee dadwaynaha hortooda lagu sameeyey wuxuu u baahan yahay in la xiro oo la masaafuriyo haddii uu ku kaco qof ajnabi ah.” ayuu ku dooday qareenka oo sidoo kale ah La-taliye la shaqeeya Qaramada Midoobey, isaga oo raaciyey inuu codsi u gudbin doono Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Sucuudiga.

Lama oga in laga jawaabi doono baaqa qarreenkan, balse dad badan ayaa horay ugu baaqay in CR7 falkan lagu ciqaabo.

Hadalsame Media