3 ka mid ah afarta tababare ee kooxaha taagan nus-dhamaadka CL waxay ku dhasheen hal GOBOL (Magaalooyinka?)

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2023 – Waxaa haatan meelihii ugu dambeeyey soo gaarey tartanka Champions League oo uu haatan wareeg qur ihi ka xigo dhammaadka.

Waxaa sanadkan markii ugu horreeysey muddo kaddib tartanka wacdaro ka dhigaya kooxaha Serie A oo 8-dhammaadka 3 ku lahaa, haatanna 4-dhammaadka laba ku leh.

Waxaana samaysmay Derby Talyaani ah tan iyo 2005 oo waxaa is haleelaya Milan vs Inter, kulanka kale waa Man City vs Real Madrid.

Yeelkeede, waxaa jirta arrin kale oo yaab leh oo ah in dhamaanba tababarayaasha afarta koox ee nus-dhammaadka taagani ay wada Laatiin Yurub ah.

Kaaga darane 3 ka mid ah afarta macallin waa Talyaani kuna darso inay ku wada dhasheen hal gobol oo ah midka woqooyi ee Emilia-Romagna.

Waxay kala yihiin; Stefano Pioli (Parma) Simone Inzaghi (Piacenza) & Carlo Ancelotti (Reggiolo).

Lugta hore waxaa la dheeli doonaa 9-10 Maajo halka lugta 2-aad lagu beegay 16-17 Maajo oo ah isla bisha soo aaddan.

Hadalsame Media