Haweenka Somalia oo noqday kuwa celcelis ahaan ugu cimriga yar (6 qodob oo badiyaa arrintan u sabab ah)

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2023 – Waddanka Qadar ayaa noqday ka ay ku nool yihiin haweenka cel celis ahaan ugu cimriga dheer dalalka Carabta.

Ha yeeshee, haweenka dalka yar ee hodanka ah ee Qadar ayaa cel celis ahaan ay da’doodu tahay 83 sano. La soco celcelisku waa marka guud ahaan da’da inta la isu geeyo loo wada qaybiyo haweenka dal kasta.

Halka haweenka Soomaaliduna ay noqdeen kuwa ugu cimriga gaaban guud ahaanba waddamada Carabta loo aqoosan yahay.

Cel celiska da’da haweenka Soomaalida ayaa noqotay 59 sano oo keliya, sida ay qortay Aljazeera.

Waxaa durba baraha bulshada ka soconaya dood ay dumar badani ragga ku eedaynayaan arrintan, balse ragga Soomaaliyeed ayaa celcelis ahaan kasii cimri yar dumarka, balse markan waxaa laga hadlay dumarka oo qura waxayna ku xiran yihiin qodobbo dhowr ah oo ka tarjumayo xaaladda nololeed ee qofka.

MAXAA KA MID AH QODOBBADA LOO AANEEYO ARRIMAHAN?

Marka caalamiyan laga hadlayo waxaa la tilmaamaa ilaa lix arrimood oo saamaynta ugu badan ku leh cimri deg degga farsamo ahaan sida:

Balwadda sida sigaar cabista, khamriga, dhaqdhaqaaq la’aanta jireed sida jimicsi iyo socod la’aanta, dhibaatooyinka dhaqan/dhaqaale sida faqriga iyo la’aanta cunto nafaqaysan, dhibaatooyinka bulshada, iyo xaaladaha nafsiga ah ee taban, sida xasillooni la’aanta niyadeed IWM.

Hadalsame Media