Waddan Afrikaan ah oo 48 saac u qabtay Danjiraha Jarmanka dalkaa u fadhiyey + Sababta

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2023 – Dowladda Chad ayaa dalkeeda ka cayrisey Safiirkii Jarmanka, Jan Christian Gordon Kricke, sababo la xiriira “ixtiraam la’aan la xiriirta dhaqamada diblomaasiyadeed” – waxaana loo qabtay 48 saacadood inuu dalka kaga baxo.

Dowladda Chad ayaa ku amartay Safiirka Jarmanka inuu dalka kaga baxo 48 saacadood gudahood, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay.

“Go’aankan Dowladda waxaa dhiirrigeliyey hab-dhaqanka niyad-jabka leh iyo ixtiraam la’aanta caadooyinka diblomaasiyadeed,” ayay Wasaaradda Warfaafinta ee dalkaasi ay ku tiri Twitter-ka Jimcahan.

Afhayeenka Dowlada, Aziz Mahamat Saleh, ayaa ku boorriyey Safiirka inuu “48 saac gudahood uga baxo dhulka Chad”.

Laba ilood oo ka tirsan Dowladda Chad ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Danjire Gordon Kricke uu dhaleeceeyey dib u dhaca doorashada afgembiga kaddib, iyo xukun sannadkii hore ee u ogolaanaya hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee millateriga Mahamat Idriss Deby inuu isu soo taago doorashada 2024-ka.

Wasaarad Dibadeedka Jarmamku weli kama hadlin arrintan.

 

Hadalsame Media