Caruus dhintay kaddib markii ay ku qaraxdey samiicad uu keenay nin ay xiriir la lahaa caruusadda + Sawirro

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2023 – Dalka Hindiya madal looga diyaar garoobayey aroos iyo farxadda guri cusub, ayaa lagu soo warramayaa in ay mar qudha isu beddeshay geeri iyo dhimasho.

Kaddib markii ay sameecadii ku qaraxday caruuska iyo walaalkii oo hawsha arooska diyaarinayey.

Sameecadda qaraxa samaysay oo lagu xidhay saqafka sare ee guriga ayaa sababtay in meesha uu dab ka koco.

Balse ta yaabka leh ayaa ay in sameecadda uu hadyad ahaan u bixiyey wiil ay xidhiidh lahaan jireen gabadha aroosadda ah kaas oo ugu sheegay in ay tahay taageero iyo garab istaag uu u muujinayo saaxiibaddiisii hore.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay ninkan oo lagu eedeyey in uu sameecadda ku sameeyey waxyaabo qarax sababay.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Sarju Markam oo ka soo jeeda gobolka ay deriska yihiin ee Madhya Pradesh, ayaa la xiray Talaadadii. Weli wax hadal ah ma uu soo saarin.

Afar kale, oo uu ku jiro wiil 18 bilood jira, ayaa ku dhaawacmay qaraxa, oo 3-dii Abriil ka dhacay guriga arooska ee degmada Kabirdham ee gobolka Chhattisgarh ee bartamaha Hindiya.

W; D: Khaalid Foodhaadhi & Max’ed Xaaji

Hadalsame Media