“Waa soomay waxaana booqanayaa Somalia si aan….” – Xoghayaha Guud ee QM

0

(New York) 06 Abriil 2023 – Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu Ramadaankan dhexdiisa uu booqasho ku tegayo dalka Somalia.

Waxaa uu intaa raaciyey inuu hadda kahor “soomay” si uu hiillo ugu muujiyo Muslimiinta, welibana uu soomiddaas ku fahmey “nolosha xaqiiqada ah” ee Islaamka, isagoo ku baaqay in diimuhu ay nabad ku wada noolaadaan, sida uu yiri.

Wuxuu Guterres farta ku godey in booqashadiisa Somalia, oo uu hadda kahorna tegey, ay daarran tahay si uu taageero ugu muujiyo maadaama ay Somalia soo martay sanado badan oo xasillooni darro, abaaro iyo baahi ah, sida uu yiri.

Al Jazeera Carabi oo warkan fidisay ma ay cayimin xilliga uu Somalia booqan doono, balse waa gudaha Ramadaankan uun.

Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media