Maxaad ka ogtahay xaaladda ay ku sugan tahay Sahra Yar & Sida ay damacsan tahay (Sida hooyadeed u aragto & Xaalka walaaleheed)

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2023 – Sahra iyada ayaa reerka suuqa u ga soo adeegtay, intii badnaydna wax ay ka shaqaynaysay diyaarinta afurada qoyska. Aabbaheed iyo walaalaheed maanta oo dhan qaar guriga ayay is ka hurdeen qaarna debedda ayay ku maqnaayeen.

Markii ay afuradii ay keligeed reerka u samaysay ka wada dhergeen guriga waa ay ka dareereen, mid magaalada u sheeko doontay iyo mid taraawiixda tagayba. Iyaduna markii bay bilowday nadaafad iyo weel xalid si ay suxuurtii u qabanqaabiso.

Abbaheed iyo walaalladeed kolkii ay caways dambe si habaqle ah u soo wada hoydeen daaradda guriga ayay ku sii wada dhaafeen iyada oo weelkii ay xalaysay dhan walba ka yaallo oo daal iyo ciil la ooyaysa oo sidan u gandoodda.

Dan ka ma ay gelin ee gudaha ayay ku xeroodeen mid telefoonkiisa ku foororsaday iyo mid muuqbaahiye daawadayba.

Iyada oo halkii daal iyo ciil la foororta wax ay maqashay hooyadeed oo u gu dhawaaqaysa “Naa Sahra, kaalay falaastan madhan i ga qaad oo shaah dabka saar, suxuurtiina goor hore innaga diyaari”.

Hooyo waa ay ku faraxsan tahay inanteedu in ay tahay qof karti badan oo mustaqbalka ninkeeda iyo reerkeeda u shaqayn doonta. Laakiin Sahra daqiiqaddaa wax ay ka fekeraysay reerkan baas ma ka baxsataa mise waad is dishaa.

Waxaa Curiyey: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media