MACLUUMAAD MUHIM AH: Dunida waxaa dul heehaabaya 4,563 oo dayax-gacmeed tan naxdinta lihi waa tirada ay Muslimku ku leeyihiin

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2023 – Dhulkeenna waxaa kor wareegaya 4,563 dayax-gacmeed. Inta casaanka ah waa ay shaqaynayaan inta cadaanka ahna waa istaageen lakin hawada sare ayey iska wareegayaan maadaama ay cuf-isjiidadka ka korreeyaan. Haddii ay cufis-jiidad (gravity) ay yeelato hawadu way nagu soo daadanayaan!

Ujeedooyin kala duwan ayaa loo isticmaalaa dayax-gacmeedyada sida telefishenada, radioga, GPSka, cilmi baarisyada hawada iyo arimo millitary sida sahanka oo kale.

Dayax-gacmeedyada kalabar wax ka badan waxaa leh maraykanka inta kalena dawladaha kale. Kuwa maraykanka laftooda 1600 oo mida waxaa leh shirkada SpaceX.

Lakin waxay sheegtay SpaceX in 20-ka sano ee soo socota ay ka dhigi doonaan dayax-gacmeedyadooda ilaa 42kun oo xabbo.

Wadamada muslimiinta ah sida sucuudigu waxaa uu leeyahay 13 kamida halka turkigu uu 9 qura leeyahay.

Dayax-gacmeedyada intooda badan waxa loo isticmaalaa arimo ganacsi waxayna wareegaan orbityo joog hoose ah oo la dhaho low earth orbit (LEO).

Haddii aad isweydiinaysid maxay isugu dhici la’yihiin, waa inoo mar kale.

W; D: Asad Gaaciye

Hadalsame Media