Imaam bisad dusha ku haya oo Taraawiix dujinaya oo dunida qabsaday (Daawo)

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2023 – Muuqaalka Imaam tukinayey Salaadda Taraawixda ayaa noqday kii ugu hadal haynta badnaa guud ahaanba Warbaahinta iyo baraha bulshada ee Caalamka.

Dhacdadan sida weyn dadka u soo jiidatay ayaa ahayd muuqaal kooban oo muujinaya Xayawaanka Bisada loo yaqaan oo si kedis ah ugu soo boodaysa Imaam lagu magacaabo Waliid Mahsas.

Imaamka ayaa xilligaas akhrinayey aayado Qur’aan ah oo qayb ka ahaa Salaaddii Taraawixda ee Masjidka Abu Bakar Sidiiq oo ku yaalla bariga dalka Al jeeriya.

Muuqaalka ayaa muujinayey Imaam Waliid oo si naxariis leh u badhi tarayaa Bisada oo garbihiisa u sii socotay.

Halka Bisaduna ay si naxariis leh ugu fadhiisatay garbihiisa isla markaana ay wejigiisa ku tiirsatay.

Bisadda ayaa ugu dambayn Imaamka ka degtay halka uu Imaamkuna si khushuuq leh isaga sii watey Quraankii uu akhrinayey.

Muuqaalkan ayaa noqday mid hadal hayn badan abuuray iyada oo ay naxariista Qaariga ka fal celiyeen dad aan xataa haysan Diinta Islaamka kuwaas oo ku ammaanay sida uu Sheekhu ugu naxariistay Bisaddii ilaa garbihiisa socotay.

Halkan ka DAAWO…..

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media