DF Itoobiya oo baabi’inaysa Ciidanka Liyu Police (Maxaa lagu samaynayaa kuwa haatan jira?)

0

(Addis Ababa) 06 Abriil 2023 – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay kala dirayso ciidamada Booliiska maxalliga ah ee degaanka Soomaalida.

DF ayaa intaa raacisay inay ciidanka haatan jira ay ku kala daraysa Ciidamada Millateriga Federaalka Itoobiya iyo Booliiska Federaalka, sida ay werisey wakaaladda Wararka FANA.

DF ayaa la fahamsan yahay inay doonayso inay guud ahaanba baabi’iso Ciidamada Maxalliga ee Maamul-goboleedyada oo loo yaqaan kilin.

Waxaa loo badinayaa in tillaabadan ay DF Itoobiya uga gol leedahay inay ku dhinto awoodda gobollada si ay u xoojiso nidaamka dhexe.

Arrintan ayaa qayb ahaan wax laga saarayaa baratay dagaalkii Gobolka Tigraay ee woqooyiga Itoobiya, halkaasoo ciidanka degaankaasi ay si wayn caqabad ugu noqdeen Dowladda Dhexe ee federaalka.

Weli Gobolka Soomaalidu wax wacaal ah arrintan kama soo saarin mana la yaqaan sababta iyaga loogu bilaabayo hindisahan.

Hadalsame Media