Jilaagii Titanic oo la sheegay inuu si qarsoodi ah xiriir ula leeyahay gabar Soomaali ah

0

(New York) 05 Abriil 2023 – Leonardo DiCaprio ayaa beeniyey warar xam xam ah oo ku saabsan inuu jacayl curdun ah oo qarsoodi ah la wado gabadha Soomaaliyeed ee Maya Jama kaddib markii labada lamaane mar kale la isla xiriiriyey.

Jilaaga Hollywood ee ku caan baxay film-kii Titanic, oo iminka 48 jir ah, ayaa ka jawaabey sheegashada ah inay beryahan is arkayeen marti-gelisada Love Island, ee Maya Jama oo 28-jir ah, kaddib markii ay arrintaa soo bandhigeen saaxiibbo yaqaanna.

Waxa uu dafiray xantan cusub kaddib markii ilo xog ogaal ah ay u sheegeen The Sun in Leo – oo sidoo kale beryahan si aad ah loola xiriirinayey Gigi Hadid – ay been tahay.

Qof xog ogaal ah ayaa sheegay: ‘Labadooduba dhowaan ayay ka soo baxeen xiriirro dheer, sidaas darteed midkoodna waxba ma doonayaan inay ku degdegaan – waxay doonayaan inay arkayaan sida ay wax u socdaan marka hore.’

Si kastaba, labadooda ayaa la sheegay inay waqti ku qaateen New York bishii hore, halkaas oo labadooduba ay shaqo u joogeen. Waxaa sidoo kale la sawiray iyagoo ka baxaya naadiga Le Piaf ee magaalada Paris bishii hore iyadoo ay wehliyaan asxaabtoodu.

Hadalsame Media