”Si fiican baan u aqaan” – Petit oo ka hadlay CILLAD Zidane u diidaysa inuu qabto kooxaha Chelsea & Tottenham

0

(London) 05 Abriil 2023 – Zinedine Zidane ma noqon doono tababaraha xiga ee midkoodna Chelsea walaa Tottenham sababtoo ah ma yaqaan afka Ingiriisiga, sida uu qabo laacibkii khadka dhexe ee Gunners, Emmanuel Petit.

Kooxda Blues ayaa raadinaysa tababare cusub kaddib markii ay shaqada ka cayrisey Graham Potter Axadii.

Halka Spurs oo iyaduna cayrisey Antonio Conte bishii Maarso kaddib markii ay si lama filaan ah ugu xanaaqeen ciyaartooydiisa oo ay isku dhaceen barbarrihii 3-3 ahaa ee ay la galeen kooxda ugu hooseeysa ee Southampton.

Tababaraha Faransiiska ee Zidane, oo 50 jir ah, yaa waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu magaca wayn sanadahan kaddib guushii uu la gaarey Real Madrid, waxaana uu u tartamayaa midkood labadan shaqo ee bannaan.

Yeelkeede, Petit ayaa Stadium Astro u sheegay in Ingiriisi la’aanta ninkan ay isku dalka yihiin ay la micne tahay in xiddiggii hore ee khadka dhexe uusan u dhaqaaqi doonin Premier League waqti dhow.

Wuxuu yiri: ”Zidane, ma iman doono. Dhab ahaantii. Ma garanaysaa sababta? Waayo Ingiriisiga kuma hadlo.

“Waxaan aqaanney Zidane sanado badan iyo sida uu u maamulo ciyaartooyda, aad ayuu ugu dhow yahay, had iyo jeerna wuu la hadlaa ciyaartoydiisa.

“Marka wuxuu rabaa in isgaarsiintu ay noqoto mudnaanta koowaad. Aad bay muhim ugu tahay isaga, marka ma rabo in qof uu uga turjumo wax walba oo uu u sheegayo laacibiinta weliba si shaac ah.” ayuu raaciyey.

Si kastaba, Chelea ayaa la sheegayaa inay qarka u saaran tahay Luis Enrique.

Hadalsame Media