Maxkamadda Sare ee Sweden oo rafacdey amarkii Booliiska ee ahaa in la joojiyo gubista Qur’aanka

0

(Moscow) 05 Abriil 2023 – In kasta oo uu caalamku ku cambaareeyey dhacdooyin hore ee qaaquullooyinku ka dhasheen, haddana Maxkamadda Sare ee Sweden ayaa Talaadadii laashay go’aan booliisku ku mamnuucay laba mudaaharaad oo Qur’aanka lagu gubi lahaa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay shan eedaysane oo lagu eedeeyey in ay maleegayeen “fal argagixiso” oo lala xiriiriyey mudaaharaadka.

Gubiddii Kitaabka barakaysan ee Islaamka ee lagu gubay afaafka hore ee Safaarada Turkiga ee Stockholm bishii Janaayo ayaa ka caraysiiyey dunida Muslimka, waxaana ay dhalisay mudaaharaadyo toddobaadyo socdey iyo baaqyo ah in la qaadaco badeecooyinka Sweden, iyo in la hakiyo dalabka xubinnimada Sweden ee NATO.

Yeelkeede, Maxkamadda Sare ee Sweden ayaa haatan laashay go’aankii booliska ee lagu mamnuucay laba dibad-baxyo oo Qur’aanka lagu gubi lahaa bishii Febraayo, iyadoo doodday in khatarta amni aysan “ku filnayn” in lagu xaddido xuquuqda bannaanbaxa.

“Maamulka booliisku ma hayaan taageero ku filan oo ay ku taageeraan go’aannadooda.” ayay tiri garsoore Eva-Lotta Hedin oo go’aanka soo saartay.

Booliiska Swedish-ka ayaa diidey inay ogolaadaan in lagu gubo Qur’aanka afaafka hore ee safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq ee Stockholm bishii Febraayo iyaga oo sheegay in mudaaharaadkii Jannaayo uu Sweden ka dhigay ” bartilmaameed weerar oo sare.”

Turkiga ayaa si gaar ah uga xumaaday in booliisku uu oggolaaday bannaanbaxa ka dhacay bannaanka Safaaraddooda Stockholm.

Ankara ayaa markaa hor istaagtey dalabka Sweden ee xubinnimada NATO sababtoo ah Stockholm  waxay ku guuldarraysatay inay wax ka qabato kooxda argagixisada ah ee PKK iyo xubnaheeda ku sugan dalkaasi, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media