Lix arrimood oo iyada oo aan lala xisaabtamin uu Imaaraadku ka samaysan karo Somalia

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2023 – Ma la socotaa Soomaaliya inay mar labaad galeyso gumaysi?

Mar haddaanu ka oggolaanay waddan shisheeye ah.

1) Inuu waddankeena ka sameysto saldhigyo militari.

2) Inuu sugo amniga waddankeenna.

3) Inuu la yimaado ciidamo calooshood u shaqeysteyaal ah oo ka amar qaata iyo hub uu leeyahay, sidoo kalana dalka ka dhex sameysto ciidamo Soomaali ah oo toos uga amar qaata

4) Inuu gudaha dalka ku yeesho sirdoon u shaqeeya.

5) Inuu dalka ka baari karo soona saari karo shidaal iyo wixii kale ee macdan ah ee ku jira badda iyo berriga.

6) Inuu gacanta ku qabto oo si dadban u maamulo guddiyada iyo xubnaha baarlamaanka si ay wixii qorshe ah ee uu la yimaado u ansixiyaan iyo si aanuu baarlamaanka u gudbin xeerar uusan oggoleyn ama ka warhayn.

Intaas oo qodob wexey caddeynayaan inaan galnay gumeysi dadban. Buugaad doonto soo akhri, professorkaad doontana soo wareyso, ma tihid waddan xor ah waxaadna ku jirtaa gumeysi aad cagahaaga ku keensatay.

Baahi intee la eg ayaa dowladda Somaliya ku kallifi karta iney raalli ku noqoto inaan galno mar labaad gacan gumaysi?

Waddaniyow maxaa kula gudboon?

W; Q: Cali C. Cosoble, MW hore ee Hirshabeelle

FG: Dalka uu Cosoble sheegayo waxaaa loo badinayaa dalka Imaaraadka Carabta

Hadalsame Media