Wuxuu daweeyey dad aan abidkood ilmo dhalin (Dal Somalia u dhow oo uu ka howlgalo)

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2023 – Ninka sawirka hoose ka muuqda waa dhakhtar Hindi ah oo lagu magacaabo Maxamed Al Saadaat.

Waxaa uu dhakhtarkani muddo 30 sano ah ka howlgelayey Isbitaalka wayn ee Al-Ahli Medical ama مجمع الأهل الطبى فى الحائل.

Waxaa fadliga ILAAHAY dawadiisii ku caafimaaday dad ka badan 20 kun oo qofood oo ka cabanayey ubad la’aan ama ma dhalaysnimo, kuwaasoo qaarkoodna aysan ubad dhalin muddo 27, 16, 15, ama 10 sanadood ah.

Waxaa ninkan looga kala yimaadaa dalalka Carabta iyo ilaa Afrika, illaa iyo maantana wuxuu weli ka howlgalaa Isbitaalkii Sucuudiga ee uu ka shaqo bilaabay horraantii 1990-meeyadii.

W; D: Yaxye Y. Khasaaro

Hadalsame Media

Facebook Comments