SAWIRRO: Diyaaradaha u socdey Kenya oo shalay gelinkii dambe ka weecday hawada Somalia + Sababta

0

(Nairobi) 04 Abriil 2023 – Weecinta diyaaradaha u socda ama ka imanayey Kenya ayaa waxaa kasoo baxday xog cusub.

Waxaa la sheegay in shalay gelinkii dambe ay diyaarado badani ka weecdeen hawada Somalia si ay uga baaqsadaan dabaylo bus badan oo aad u xowli badan oo ka dhacayey degaanno ka tirsan Bariga iyo Koofurta Soomaaliya.

Dabayshan ayaa la sheegay inay waddey bacaad aguugan oo dhowr cagood cirka ku shareeran.

Ma jiraan warar sheegayey in DF Soomaaliya ay diidey diyaaradaha ka baxaya ama imanaya Kenya inay isticmaalaan hawadeeda maadaama xiriirku aanu hadda xumayn.

 

Hadalsame Media