Saxaafadda isboortiga oo hadal haysa hal arrin oo uu xalay dadka uga yaabiyey Rafael Leão

0

(Napoli) 03 Abriil 2023 – Kooxda AC Milan ayaa xalay sidii daadkii u qaadday kooxda SSC Napoli oo sanadkan la qaban la’aa oo ay kaga badisay 4-0 iyadoo weliba ku ciyaaraysa garoonkeeda.

Goolasha waxaa Milan u kala dhaliyey Rafael Leão daqiiqaddii 17-aad iyo Brahim Diaz oo goolka 2-aad raaciyey daqiiqaddii 25-aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta. Isla Leao ayaa goolka 3-aad iyo kiisii 2-aad ee ciyaarta ku qaaraamay daqiiqaddii 59-aad ee gelinkii dambe ee ciyaarta, kahor intaanu goolka afraad ku darin Saelemakers daqiiqadii 67-aad.

Waxaase kulankaa sida goolashaba ka muuqata wacdaro ka dhigay jookarka Rafael Leão, balse saxaafadda ayaa marka laga soo tago bandhiggiisa cajiibka ah ee aanu weliba bilahan samayn, waxay la yaabeen hal arrin oo ay aad u qaad qaadayaan.

Waana xaqiiqada ah in Rafael Leão uu iska dhoollacadeeyo mar kasta si kasta oo ay xaaladdu tahay, xitaa marka uu kubadda xakamaynayo ama koontoroolayo.

Hadalsame Media