Ma qiyaasi kari lahayd in Faransiisku uu weli sidan u dhiig miirto dalalka Afrika? (Sida qura ee lagaga bixi karo gumaysiga dhaqaale)

0

(Hadalsame) 03 Abriil 2023 – Guushu Waa Afrika. Waxaa qoray Cadli Badwaan oo ah dhaqaalayahan aqoontaa baadha.

“Si xiise leh baan u la socday shir madaxeedkii 36-aad ee Midowga Afrika iyo booqashadii madaxweynaha Faransiisku dhowaan ku tagay dalal Afrika ah, waanan ismoogaysiin kari waayay runta ah Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, iyo hay’ad kasta oo caalami ah oo qaabbilsan horumarintu, in aanay marnaba keenayn oo yeelanayn qorshe horumarineed oo Afrika ah. Waayo Afrika midaysan oo xoog leh oo go’aannadeeda yeelataa waa arrin aan asalkaba reer Galbeed oggolayn, si kasta oo ay u gu faanaan qiyam ku dhisan caddaalad, sinnaan, dimuqraadiyad iyo is aqbalid.

Joogtitaankii gumaystuhu dawladahaa hoogooyinka ah ka ma dhammaan markii ay madaxbannaanida sheegteen ee gumaystihii weli wax uu ku joogaa si ka duwan sidii la yaqaannay oo is qurxin iyo khiyaano ah oo sidii hore aad u ga cadawsan oo u ga waxyeello badan. Gumaysiga maanta Afrika ka jiraa waa mid ka siibay garashadii, doonis xor ah, ilahoodii dhaqaale iyo go’aannadooda siyaasadeed intaba, taas oo ah kuwa wax gumaysta jiritaankooda aanay la’aanteed noolaan karin, ee aan ahayn oo dhulballaadhsigii hore.

Gumaystaha oo Faransiisku tusaale u yahay, dalkaas oo weligii ahaa welina ah waranka u gu daran ee Afrika adhaxda ka ga taagan, dhaqaalihiisu wax uu si boqolkiiba boqol u dhow u gu xidhan yahay Afrika, haddii uu waayana wax uu ka mid noqonayaa dunida saddexaad. Faransiisku 14 dal oo Afrika ah buu lacagta u daabacaa, lacagtaas oo uu qiimaha sarrifkeeda ku xidhay lacagta Euro ee uu isagu adeegsado. Sidoo kale 12 dal oo kuwaa ka mid ahi Faransiiska wax ay ka dalbadeen in ay kaydkooda lacagta qalaad 50% dhigtaan Bangiga Dhexe ee Faransiiska, oo ah weliba xaddi aad u ga yar intii ay ahayd dhawr sano ka hor.

Faransiisku isaga oo wakiil isaga dhigay dalalkaas ayuu dajiyaa siyaasadaha maaliyadeed, lacageed, sarrif, heerka faa’iidada bangiyada iyo arrin kasta oo dhaqaale, arrimahaas oo uu dhammaantood u dhigo si dantiisa u adeegta, dalalkaana weligood ku haynaysa ciirciir dhaqaale.

Intaa waxaa dheer qodista iyo suuqgeynta baadroolka iyo gaasta oo dhammaanteed xuquuqdeedu u dhawrsan tahay shirkado Faransiis ah, kuwaas oo kgayraadkaa u la dhaqma sidii ay meeshu tahay dalkoodii, sababta oo ah habka heshiisyadaa bilowgii loo qoray baa ahaa mid aad u adag oo kuwii khayraadka lahaa ka dhigay sidii ay dhulkooda marti ku yihiin.

Taa waxaa sii dheer qodista macdanta guud ahaan, dahabka, yuraaniyam iyo macdanaha kale ee qaaliga ah ee Afrika ceegaaga oo aanay qaaraddu lahayn xaquuqdii ay ku dheefsan lahayd. Qosolgariir iyo oohinba waxaa leh in Faransiiska oo ah dalka afraad dunida ee haysta kaydka dahabka in aan dalkiisu lahayn god keliya oo dahab la ga qodo, halka dalka Maali keligii lee yahay 800 oo god kuwaas oo sannadkii la ga soo saaro 65 tan oo dahab ah, iyada oo aan haddana dalkaasi haysan garaam keliya oo dahab ah.

Waxaa kale oo qosolgariir iyo oohinba leh Afrika oo dalal badan oo ka mid ah sannad kasta gaajo loo gu le’daa in ay tahay beer dadka dunida oo dhan quudin karta, oo ay lee dahay khayraad beero iyo xoolo haddii hagaag loo maamuli lahaa caalamka oo dhan dhergin lahayd.

Maanta dalalka dunidu wax ay u tartamayaan in ay saami ka helaan khayraadka Afrika, sida Shiinaha, Ruushka iyo xitaa Turkiga, iyaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda Faransiiska oo qaaradda ka sii yaraanaysa iyo gabbalkiisii oo sii dhacaya. Iyada oo ay weli jirto xasillooni darro siyaasadeed oo dalalka qaaradda badankoodu la liitaan, haddana dawladahaas oo taladooda mideeya maslaxaddoodana muhimadda saaraa maanta waa lamahuraan iyo fursad hor timid oo haddii ay si wanaagsan u maamulaan ay marxalad cusub iyo barwaaqo dhaqaale ku gaadhi karaan.

Wax aan qabaa sida qumman ee ay waajibka tahay waa Midowga Afrika oo si wadar ah u dhaqaaqa halkii ay maalgashiga shisheeyaha goonigooni u qaabbili lahaayeen. Waa iyaga oo wada samaysta qorshe istiraatijiyadeed oo midaysan oo ku saabsan horumarinta dhaqaale ee tamarta iyo noocyada warshadaha gaar ahaan macdanta, cuntada iyo meelaha kaleba.

Istiraatijiyad ku dhisan “Outcome Based Strategy” – natiijooyin ku jaango’an waxa Afrika ku hammiyayso in ay gaadho, dabadeed la dajiyo tallaabooyinka maalgelineed waqti iyo hawl waaqic ku dhisan oo xal u noqota ka faa’iidaysiga khayraadka dal waliba goonidiisa iyo Midowga Afrika guud ahaantiisa, taas oo ay ku gaadhi karayaan isdhammaystir iyo iskufilnaasho dhexdooda iyo gudahooda ah.

Waxaa lamahuraan ah horumarinta dhaqaalaha Afrika in uu ku tiirsado waxdhoofin xooggan oo cid ay qaaraddu ku midaysan tahay gorgortanka dunida u matasho si waafaqsan dantooda guud. Waa in si caddaalad ah loo suuqgeeyaa fursadaha maalgashi ee dawladaha oo khayraadka ceegaaga maanta loo adeegsado si khasaare ah oo aan dhaqaalaha waxba ka tarin.

Qorshe istiraatijiyadeed oo habboon iyo wada shaqayn ayaa ah jidka keliya iyo ka qumman ee la gu xaqiijin karo qiimaha khayraadka Afrika oo kordha oo saamayn togan ku yeesha dhaqaalaha qaaradda. Waddadaas baa mustaqbalka Afrika ka dhigaysa mid ciddii wax gashataaba ku faa’iiddo, dhinac walba oo la ga qiimeeyo.

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media