6 fikradood oo KHURAAFAAD ah oo ay dadku ka aaminsan yihiin Ramadaanka

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Waxaa la galay tobankii dhexe ee bisha barakaysan ee Ramadaan, iyadoo qeybtan dhexe ay wadato fadligeeda gaarka ah.

Dadka Muslimiinta ayaa xilliga maalinkii iska ilaalinaya wax cunno iyo biyo ah ilaa uu gabalka ka dhaco.

Iyada ay iska fududahay waxyaabaha laga doonayo dadka Sooman ayaa haddana, waxaa jira waxyaabo quraafaad iyo fikiro khaldan oo ay dadka ku kala qaybsameen sanooyin badan.

Waxaan hoos ku xusi doonnaa lix ka mid ah arrimahan, waxaana falanqaynaya Shabbir Hassan,oo ah arday barta sayniska iyo shareecada Islaamka ahna arday xifdisan Qur’aanka Kariimka.

Balse qodobbada aan ka hadli doonno waxay ku xiran tahay qof ba waxa uu aaminsan yahay iyo qaabka uu isago wax u fasirto.

Waxaa jiri kara dad aaminsan fakrado kale oo ka duwan kuwa halkan ku xusan.

‘Ilkaha oo aad cadeysato waxa uu burinayaa soonka”

Cadeyga iyo Soonka

Qoraalka sawirka, Cadeyga iyo Soonka

Ilkaha oo aad cadeeyato ma burinayo soonka sida ay culimadu aaminsan yiihiin.

Xassan ayaa sheegay in dadka qaar ay si khaldan u aaminsan yihiin in dhadhanka cadeyga uu qofka ku rumaysanayo ay ku filan tahay in uu soonka ka buro.

In kastoo culumo badan ay sheegeen in qofka uu ilkaha cadeysto aysan waxba ku jabnayn, Xassan wuxuu hayaa arrimo dhowr ah oo qofka uu taxadar ku muujin karo.

“Talada ugu wanaagsan waa in cadey dhexdhexaad ah aad isticmaasho-waana in uusan adkeen.”

‘Ma laqi kartid candhuuftaada’

Laqidda candhuuftaada ayaa ah mid la oggol yahay, balse sidoo kale la dhiirrigaliyo.

“Fikirkan khaldan gabi ahaanba wax sal iyo raad ah ma laha,” ayuu yiri Xasan, “laqidda candhuftaada waa mid dabiici ah mana jabinayso soonka.”

Waxa burinaya soonka ayaa ah in qof kale aad dheecaanno is waydaarsataan.

“In qof kale candhuftiisa aad laqdo ayaa ah mid ka duwan taasi oo ay tahay in laga reebtoomo marka uu qofka soomman yahay ,” ayuu yiri Xasan.

“Xaaskaaga uma galmoon kartid .

Muhiimadda soonka ayaa ah in aad xakameyso baahiyahaada taasi oo ay ka mid tahay cunnada, cabitaanka iyo galmada.”

‘Ma cunnada iyo cabitaanka oo kali ah ayaa buriya soonka?

Qofka Sooman waa in sidoo kale uu xanta iska ilaaliyaa

Qoraalka sawirka, Qofka sooman waa in sidoo kale uu xanta iska ilaaliyaa

Cunnada iyo cabitaanka oo kali ah ma aha waxyaabaha buriya soonka.

Waxyaabaha kale ee burin kara soonka waxaa ka mid ah “Dambiyada carrabka lagu galo “, ayuu yiri Xasan.

“Soonkaaga ajarka ayaa laga nusqaaminayaa haddii aad qof xamato, amaba aad dadka kale wax ka sheegto,” ayuu yiri.

Haddii si kama’ ah aad cunno ama cabitaan u cabto soonkaaga ma burayaa?

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Haddii aad hilmaamto in aad soomaneyd isla markaana aad cunno cunto soonkaaga wuu kuu jiraa, waa haddii aad cunnada joojiso islamarka aad xusuusato.

Hasa yeeshee , haddii si lama filaan ah oo laga hortagi kara ay wax kuugu tagaan sida tusaale in adiga waaso qaadanaya markaas Soonkaaga wuu burayaa.

Mid ka mid ah 8 tillaabo ee laga doonayo qofka weeso qadana ayaa waxaa ka mid ah in qofka uu afka dhaqo , haddii ay biyo si lama filaan ah kuugu tagaanna soonkaga wuu burayaa.

Xasan ayaa yiri: “Marka aad weyso qaadanayso marka aad sooman tahay waxaa lagugu boorrinayaa in aadan ku dheeraan sandaarsiga .”

‘Ma qaadan kartid daawo’

marka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma Soomi karaa?

Qoraalka sawirka, marka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma Soomi karaa?

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa soo saaray digniin wadajir ah oo ay ugu baaqeen ururka caalamiga ah ee dhaqaatiirta indhaha in daawooyinka qaar ay bukaannada sii wadan karaan sida daawada indhaha lagu shubo.

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) waxa ay sidoo kale soo saareen liis dhanka caaafimaadka ah oo isbataalada loo qaybiyay gaar ahaan xilliga Ramadanka.

Waxaa liiskani waxyaabaha ku qoran ka mid ah in qofka Sooman la siin karo daawooyiinka indhaha , dhagaha iyo qaadashada irbadaha.

Hasa yeeshee in qofka uu daawo laqo ayaa burinaya Soonka islamarkana daawooyiinkasi waa in uu qofka qaataa Soonka ka hora ama ka dib.

Mr Xasan ayaa yiri: “marka ugu horeysa, haddii ay kula soo gudboonaato xaalad caafimaad, waxa kowaad ee aad is waydiinayso waa, ma la iiga baahan yahay in aan Soomo?

“Waxaa quraanka ku cad ayaa ah in mar waliba aad raacdo talada dhakhtarka”.

‘Waa in aad soontaa wax walba oo dhaca’

Islaamka, Soonka ayaa waxa uu waajib ku yaahay qof caafimaadka qaba islamarkana qaan gaaray ilaa 15 jir.

Waxaa dadka uu Soonka waajib uusan ku ahayn ka mid ah caruurta, dadka xanuunsan jir ahaan ama maskax ahaan, dadka tabarta yar, kuwa safarka ku jira, haweenka uurka leh iyo kuwa caruurta nuujinaya, sida ay sheegeen Golaha Muslimiinta Britain (MCB).

“Haddii qofka xilliga Ramadanka uu qof xanuunsan yahay balse uu rajaynayo in uu bogsado – waxa uu qofka Soomi karaa mar kale,”ayuu yiri Mr Xassan.

“Haddii qofka xanuunkiisa uu yahay mid dheer islamarkana uusan Soomi Karin waxa uu bixinaya fidyah – ama deeq uu siinayo maalin waliba dadka fuqarada ah.

BBC

Hadalsame Media