Khabiir duray rajada Gunners balse farta ku fiiqay kulan haddii ay badiso ay koobka qaadi karto Arsenal (City muxuu ka yiri?)

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Gary Neville ayaa mar kale soo jeediyay in Manchester City ay horyaalka qaadayso inkasta oo Arsenal ay dib ugu noqotay hogaankeeda 8-da dhibcoodlaha ah, laakiin khabiirka ayaa sheegay in Gunners ay ku guulaysan karto Premier League haddii ay ku badiso Anfield usbuuca soo socda.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa si kooban hoggaanka Arsenal uga dhigtay shan dhibcood kaddib markii ay 4-1 ku garaacday Liverpool kulankii Sabtigii.

Neville ayaa se u sheegay Sky Sports in Arsenal ay kasoo gudubtey imtixaan kale iyadoo ka jawaabtey guushii hore ee City, laakiin wuxuu weli rajaynayaa in cadaadisku uu kusii kordhayey kooxda Mikel Arterta sagaalkii kulan ee ugu dambaysay.

Daaficii hore ee Manchester United ayaa aaminsan in khibrada City ay noqon karto mid wax ku ool u ah oo wax kala reebta marka ay timaado ku guulaysiga horyaalka.

“Weli waxaan qabaa in City ay qaadi doonto maadaama ay ka khibrad badan tahay Arsenal. Waa 50/50. Waxay taasi ii caddayd lix usbuuc k hor, waxaana u maleeynayey in Arsenal ay dhibco lumin doonto laakiin waxaan qabaa in City ay wali qaadi doonto.” ayuu saadaaliyey.

Hadalsame Media