Dal wayn oo reer Galbeed ah oo taageeray arrin uu si wayn u diiddan yahay Maraykanku (Booqasho dhici rabta)

0
FILE - Chinese President Xi Jinping, right, and Russian President Vladimir Putin talk to each other during their meeting in Beijing, China on Feb. 4, 2022. Just weeks before the Feb. 24, 2022, invasion, Xi hosted Putin in Beijing for the opening of the Winter Olympics, at which time the sides issued a joint statement pledging their commitment to a "no limits" friendship. China has since ignored Western criticism and reaffirmed that pledge, underscoring how the two countries have aligned their foreign policies to oppose the liberal international world order led by the United States and its democratic allies. (Alexei Druzhinin, Sputnik, Kremlin Pool Photo via AP, File)

(Hadalsame) 02 Abriil 2023 – Xiriirka dhow ee ay Moscow la leeyihiin “waddanka kaliya ee adduunka ku yaal” oo awood u leh inuu heshiis ka keeno dagaalka Ukraine waa Shiinaha, ilo ka tirsan Madaxtooyada Faransiiska ayaa sidaa u sheegay CNN.

Warkan la sheegay ayaa imaanaya kahor booqashada Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron uu ku tegayo Beijing toddobaadka soo socda.

“Waa wax iska cad in Shiinuhu uu yahay mid ka mid ah dalalka yar ee Dunida – laga yaabee dalka kaliya ee adduunka – ee saamayn ku yeelan kara ‘wax-ka-beddelka dagaalka, labada dhinacba,” ayay tiri ishu.

Shiinaha ayaa mar hore isu soo bandhigay inuu yahay dhexdhexaadiye nabadeed oo dagaalka Ukraine ah, iyadoo Xisbiga Shuuciga ah ee talada hayaa uu sii daayey 12 qodob oo lagu xallinayo dagaalka bishii Febraayo.

12-ka qodob waxaa ku jira tanaasulaad ay sameeyaan labada dhinacba. Tusaale ahaan, waxay ku nuuxnuuxsatay in “madaxbannaanida wadamada oo dhan” ay tahay in la ixtiraamo – taasoo caawinaysa Kiev oo rabta in xuduudaheeda dagaalka kahor lasoo celiyo, waxaa kale oo ku jirta in “danta amni ee sharciga ah ee dalalka oo dhan ay tahay in si dhab ah loo aqbalo. ” iyadoo tixraacaysa diidmada Moscow ee ah isku ballaarinta NATO ee xuduudaheeda.

Waxaa qorshaha Shiinaha soo dhoweeyey Kremlin-ka, balse waxaa diidey Maraykanka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa u safri doona Shiinaha Arbacada si uu ula kulmo Madaxwayne Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha Li Qiang.

Sida laga soo xigtey isha CNN, wuxuu isku dayi doonaa inuu “helo hab lagu aqoonsado xalal lagu soo afjari karo dagaalkan”, balse wuxuu Beijing uga digi doonaa inay hub siiyaan Ruushka.

Hadalsame Media