”Waxaan ku sigannay inaan is feerno” – Gary Neville & Ruud van Nistelrooy oo ka sheekeeyey arrin dhexmartay 2002-dii

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2023Laacibiinta Gary Neville iyo Ruud van Nistelrooy ayaa ka hadlay dhacdo timid waqtigii ay ku wada sugnaayeen Manchester United taasoo ku sigtay inay labada nin ay isku dhex garaacaan qolka lebiska.

Neville iyo Van Nistelrooy waxa ay shan sano ku wada ciyaarayey Old Trafford intii u dhaxaysey 2001-2006, iyada oo Man U ay muddadaas ku guulaysatayPremier League, FA Cup iyo League Cup.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Middlesbrough ee Maalintii Boxing Day ee 2002, xiisad ayaa kacday. Waxaa haatan arrintaa The Overlap kala hadlay macallinka PSV, iyo Neville ayaa arrintan dib ugu noqday.

“Waxaad tahay ciyaaryahanka kaliya ee abid iigu yimid inuu i feero dhamaadka ciyaarta kaddib.” ayuu Van Nistelrooy ku jawaabay: ‘Waad saxnayd, waayo ciyaarta uma wajihin sidii saxda ahayd, waana sababta aad iigu timid,” ayuu Van Nistelrooy dib u xasuustay.

”Ma aanan soo bandhigin ciyaar fiican sababtoo ah waxaa i bararnaa suulka. Aad ayay u guduudnayd sidaa darteed waxaan DACAS ugu safray Middlesbrough. Waxaan kabahayga gashtay ciyaarta kahor, mana dhaqaaqi karin,” ayuu raaciyey.

Van Nistelrooy ayaa intaa ku daray: “Anigu hadda waan ku dhuftay, gabi ahaanba waan lumiyay, waxaanan xoog ku galay qolka labiska oo aan kuu imid.”

Neville ayaa markaas kasoo dhexgalay isagoo leh: ‘Waxaan xasuustay in la i bedeley oo aan galay qolka dhar beddelka, si lama filaan ah waxaan u maqlay adigoo soo qaylinaya oo albaabka soo gelaya waxaana markaa niyadda iska iri “waan ku dili doonaa” deetana qof walbana wuu isku dayey inuu na dhex galo,” ayuu yiri.

Nistelrooy ayaa waloow uu suulka ka sheegtay misna qirtay inuusan ciyaartaa u dadaalin sidii la doonayey, taasoo muujinaysa jajabnaan shakhsi ah.

Hadalsame Media