”Waxaa loo tegey iyada oo ay 4 waraabe cunayaan” – Arrin naxdin leh oo xalay ka dhacday Hargaysa (Daawo)

0

(Hargaysa) 31 Maarso 2023 – Marwo Najax Cabdi Cawil ayaa isla maanta lagu aasay Qabuuraha Naasa Hablood ee duleedka magaalada Hargaysa, kaddib markii uu daad qaaday iyada ay gaari ay saarnayd.

Najax oo ahayd hooyo 5 carruur ah lahayd ayaa markii hore raq iyo ruux la la’aa, balse markii dambe ayaa la sheegay in la helay iyada oo ay waraabayaal cunayaan.

Arrintan ayaa muujinaysa dayaca amaan ee dadwaynaha haysta, maadaama iyadoo la ogyahay in dooxyada ay dadka iyo gaadiidku maraan aan misna la diyaarinin buundooyin iyo qaabab la dulmari karo.

Dadkii qabriga Najax tegey ayaa Dowladda Hoose iyo Nidaamka Somaliland usoo jeediyey in buundooyin la dhiso amaba xitaa ciidan ama dad la dhigo meelaha laga jaro dooxyada si ay dadka hafta u caawiyaan amaba ugu yaraan marka hore uga digaan in la jaro.

Hadalsame Media