XAALAD CABSI LEH: Aguero oo isaga oo barmaajij TOOS ah ku jira wadnaha laga qabtay (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2023 – Laacibka Sergio Aguero ayaa waxa uu galay cabsi kale markii uu wadne xanuun kusoo boodey intii lagu jirey barnaamij toos ah oo Twitch-ka ah habeennimadii Arbacadii.

Halyeeyga Man City iyo Argentina ayaa lagu khasbay inuu ciyaaraha ka fariisto bishii Diseembar 2021-kii kaddib markii laga helay heart arrhythmia markii uu u ciyaarayey Barcelona laba bilood xilligaa kahor.

Aguero ayaa si joogto ah loo arkayey isagoo wax ku baahinaya Twitch tan iyo markii uu fariistay.

Si kastaba ha ahaatee, tii ugu cabsi badnayd waxay ahayd intii uu socdey habeenkii Arbacadii, halkaas oo ay jirradani dadka xusuusiyey sababta uusan u ciyaari karin kubada cagta. Intii ay tebintu socotey ayuu Aguero inta yara hakaday wuxuu gacanta saaray laabta.

Aguero waxaa wehlinayey Ibai Llanos – mid ka mid ah tebiyeyaasha ugu wayn Spain. Llanos oo dareemay hakadka kooban ee Aguero, ayaa waydiiyey: ‘Maxaa jira, ninyahow?

Aguero ayaa ku jawaabey: ‘Waxan u malaynayaa… waxa aan u malaynayaa…waxa igu dhacay wadne xanuun yar ama mini-arrhythmia.’ Xaalku se caadi ayuu kusoo laabtay markiiba.

Arrhythmia waa bugto garaaca wadnaha kaga dhacda in ka badan 2 milyan oo qof… Waxay mararka qaar keentaa in qofka wadnaha loo geliyo qalab yar oo ECG ah oo la soconaya 24 saac

 

Hadalsame Media