”Waaba meesha uu deggan yahay!” – Gabar ka sheekaysay meel ay ku dareentay JACAYL aysan abid arag

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2023 – Jacaylku, halkan ayuu deggan yahay.

Makkah markasta oo aan tago waxaa indhahayga iyo qalbigaygaba buuxiya jacayl. Waxaad arkaysaa jacaylka noocyadiisa ugu macaan, uguna qiimaha badan.

Waxaad salaada la tukanaysaa malaayiin qof, oo daafaha aduunka ka kala yimi, oo jacaylka Ilaahay ay u qabaan dartii aduunkoodii iyo noloshoodiiba uga soo tagay. Malaayiin qof oo uu mideeyay jacaylka ay u qabaan Al-Waduud.

“La bayka Laahuma labayk! Labayka laa shariika laka la bayk…”

Waxaad arkaysaa wajiyo ifaya, oo farxad iyo jacayl ay Ilaahay u qabaan ay qaarna la dhoola cadaynayaan, qaarna la ooyayaan.

Waxaad arkaysaa malaayin qof oo kala afaf, kala dhaqamo, kala dhaqaale, iyo kala waddamo ah balse uu mideeyay jacaylka ay Ilaahay u qabaan. Waxaad arkaysaa dadkaas oo is caawinaya, wixii raashin ahna wadaagaya, oo midba wixii uu haysto kan ugu dhaw siinayo.

Waxaad arkaysaa ilmo waaridkood xambaarsan, ama garabka haya, ama gacanta haya oo caawinaya. Waxaad arkaysaa waarid iyo ilmo iskaashanaya oo uu mideeyay jacaylka ay Ilaahay u qabaan iyo jacaylka ay iyagu isku qabaan.

Waxaad arkaysaa waalid daal badani ka muuqdo, balse, ilmihiisii xambaarsan, ama duudka ku wada, ama gacanta haya. Waaridkaas oo doonaya in jacaylka ugu sareeya ee ugu qiimaha badan uu Ilmihiisa ku ababiyo oo uu baro, waa jacaylka Ilaahaye.

Waxaad arkaysaa lamaane indho kalgacayl isku eegaya oo gacmaha is haysta, iyagoo wadaagaya jacaylka ay u qabaan Ilaahii calafka iskugu daray.

Jacaylku inta dhinac walba kaa hareereeyo, oo adiga dhan Jacayl ku saaqo, ayuu qalbigaaguna jacayl da’ayaa, oo inta qalbigaagu Ilaahay u mahadiyo ayuu duco fatahayaa.

Makkah markasta oo aan tagay, Jacaylada aan ku soo arkay, ee qalbigayga qooyay, ayaa ah sababta aan Ebyan iyo Hanad ugu doortay in jacaylkoodu ku xidhnaado jacaylka Ilaahay iyo in ay isla booqdaan xaramkiisa barakaysan. Waana sababta aan qaybta ugu quruxda badan ee buuggayga Ebyan, Waqti iyo Waayaha Jacayl aan Makkah saldhigga uga dhigay.

Ilaahay labadii is jecel, ee uu mideeyay jacaylka Ilaahay, Ilaahayna calaf iskugu daray, guurkooda iyo gurigoodaba ha u adkeeyo.

Kuwa iskaabulada ahna, Ilaahay jacayl miro dhala haku arsaaqo. Jacayl uu midba midka kale garab iyo gaashaan Alle u dhaweeya uu u noqdo.

Ilaahay xaramaynkiisa marar badan ha inooga yeero oo ha inaga mid dhigo kuwa ku noq noqda.

W; Q: Faadumo Yuusuf “Derbi”

Hadalsame Media