DAAWO: Ronaldo oo lagu arkay gaari dunidaba laga helo 10 nooc (Inta gaari ee uu leeyahay & Qiimaha)

0

(Washington, DC) 31 Maarso 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu arkay isaga oo ku sugan magaalada Madrid xilli uu wata gaari jooga £8.8 milyan oo ginni oo lagu magacaabo Bugatti Centodieci, kaasoo ka mid ah 10-ka nooc ee adduunka oo idil yaalla.

Weeraryahanka Al-Nassr ayaa waxaa kusoo yaacay taageereyaal ku sugnaa magaaladii uu ku ciyaarayey muddo sagaal sano ah, iyagoo ku qaylinayey magaciisa islamarkaana waydiisanayey sawirro Selfie ah xilli uu gaariga sii gelayey.

Ronaldo waxa uu iibsadey gaarigan oo ku awood ah 1600 faras ee Bugatti bishii Maarso 2020-kii waqtigii uu joogey Juventus, waxaana la sheegay in loo soo raray Mallorca bishii Juun.

Gaarigan Centodeieci ayay naadir ahayd in lagu arko fagaarayaasha inkastoo, taas oo aan la yaab lahayn marka la eego gawaarida uu haysto oo ku kacaya £18milyan oo gini ee uu leeyahay 38-jirkan.

Laga soo bilaabo mid £2m jooga oo ah Bugatti Chiron, ilaa £500,000 Ferrari 599 GTO iyo McLaren Senna oo qiimihiisu yahay £750,000, wuxuu caan ku yahay matoorrada qaaliga ah.

Baabuurta qaaliga ah ee baaxadda leh waxay sidoo kale ka kooban yihiin laba Rolls-Royce ah: Cullinan qiimihiisu yahay £300,000 iyo Phantom Drophead Coupe kaas oo qiimihiisu yahay £500,000 oo gini, sida ay u kala horreeyaan.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Alber Muncha (@alberam17)

Hadalsame Media