KA FAA’IIDAYSO: Nisdambe, Gadiid, Waaberi… Maxaa af Soomaaliga lagu yiraahdaa xilliyada kala duwan ee 24-ka saac?

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2023 – Magacyada xilliyada saacadda oo aynnu sidan u adeegsannaa wax ay inoo fududayn kartaa saacadda la ga hadlayaa ta ay tahay, waayo maanta isfahandarro badan baa dhacda. Run ahaantiina Af Soomaaligu sidan wuu ka hodansan yahay afafka kale inta aan og ahay:

1 – 2 AM: Nisdambe

3 – 4 AM: Waasoodhowaad

5 – 6AM: Waaberi

7- 8 AM: Aroor

9 – 10 AM: Brqin/barqo

11 – 12 AM: Gadiid

1 – 2 PM: Hadhgal ama Hargal

3 – 4 PM: Galab

5 – 6 PM: Gabbaldhac

7 – 8 PM: Fiid

9 – 10 PM: Caways

11 – 12 PM: Saqdhexe

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media