”Waxaa soo baxay gabdho Soomaaliyeed oo ka sheekaynaya wax yaqyaqsi leh oo aysan jirin dumar kale oo dunida ka hadla”

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2023 – Dhowr arrimood oo haddaan Soomaali nahay aan qabno ayaa jira waa mid oo waxaan jecel nahay inaan dadka wax ka barano waxay rabtaba ha noqote.

Micnaha waxaas waa la is qabadsiiyaa ma maqli jirteen ama isku dayasho sidoo kale waa wax aan laga xishoonayn oo ha uun la iga maqlo hana la ii qoslo ah iyo wax la yiraahd dhiirranaan cidlo ah iyo ”aniga geesi hala ii arko ah.”

Dumarka ayaan markan ka hadlayaa si kale hadaan u iraahdo, waxaa nagu cusub oo muuqaal walba hadaad daawato aad ku arkaysaa gabdho dhallinyaro ah oo si aan cabsi ku jirin uga sheekaynaaya xubinta taranka ee ragga.

Waxaa laga yaabaa in gabadhaasu aysan xitaa weli guursan laakiin waxaad maqasho sheeg uun ayay ka tahay iyo hallaguu qoslo. Waana anshax iyo mustaqbal xumo.

Intii aan noolaa, qurbe ayaan joogaaye, abid ma arag dumar aan Soomaali ahayn oo arrimahaas yaqyaqsiga leh qaabkaan uga hadlaaya hadday jiraanna waa kuwo aqoon ahaan ka dhisan oo raba inay bulshada ka caawiyaan waxyaabo caafimaadka khuseeya. Tusaale, arki maysid dumarka Shiinaha oo saluugaya agabka raggooda IWM.

Intaas kaddib waxaa jira waxyaabo dhaqanku kaa reebo iyo mid diintu kaa reebtay labadaas haddii la waayo ma aqaan meel no dambayn doonta.

W; Q: Mullaaxo Sabriye

Hadalsame Media