Xiddigihii Arsenal ee horyaalka ku qaaday iyadoo aan laga badin oo isu yimid (Maxay uga dhigan tahay horyaalka ay hadda doonayaan?)

0

(Dooxa) 29 Maarso 2023 – Ian Wright ayaa waxaa kusoo biiray ilaa sagaal halyeey oo Arsenal ah habeenimadii Talaadadii xalay iyagoo casho u fadhiistay si ay usoo gocdaan maalmahoodii guusha badnaa.

Kooxdan ayaa ka koobnayd dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdii Arsenal ee horyaalka qaadday iyadoo aan laga adkaan ee loo yaqaanney ‘Invincibles, kuwaas oo qaar badani ay xalay ka joogeen makhaayada qaaliga ah.

Kaddib cuntadoodii, Wright waxa uu galay Twitter ku wadaagey sawir uu ciwaan uga dhigay ‘casho qurux badan oo aan la lahaa wiilasha’, iyadoo ay xiddigihii hore ay dhoolla cadeeynayeen oo ay wadaagayeen kaftan.

Thierry Henry, Patrick Vieira iyo Martin Keown ayaa dhamaantood cashada joogey, iyada oo ay laakiin jireen dhowr weji oo ay xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ay madaxa xogteen si ay u aqoonsadaan cidda ay yihiin, isbeddelka ku dhacay dartii.

Sida uu qorayo Sportsmail, waxaa isu yimid marka la eego qaabka ay u sawiran yihiin gaar ahaan safka taafan: Martin Keown, Lee Dixon, Gael Clichy, Darren Dein, Thierry Henry, Jens Lehmann, Jeremie Aliadiere, Ray Parlour.

Safka hore: Robert Pires, Patrick Vieira, iyo Wright. Arrintan ayaa dhiirrigelin u noqon karta xiddigahan xilligan ee Arsenal inay koobka horyaalka, oo aysan qaadin tan iyo waayihii odayadan, ay ku dhiirradaan.

Hadalsame Media