FIFA oo Israel darteed Indonesia kala noqotay martigelinta Koobka Junyarka Adduunka

0

(Dooxa) 29 Maarso 2023 – Dalka Indonesia ayaa laga xayuubiyay martigelinta Koobka Adduunka ee ragga 20 jirada AH Arbacadan iyada oo ay jirto qalalaase siyaasadeed oo ku saabsan ka qaybgalka Israel.

FIFA ayaa sheegtay in Indonesia aysan diyaar u ahayn in lagu qabto tartankan oo ay ka qaybgelayaan 24 xul lana qorsheeyay in uu bilowdo 20-ka Maajo.

Go’aankan ayaa yimid kaddib kulan magaalada Dooxa ku dhexmaray Madaxwaynaha FIFA Gianni Infantino iyo Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Indonesia ee Erick Thohir.

Israa’iil ayaa usoo baxday koobkeedii ugu horreeysey ee 20-jirrada adduunka bishii Juun. Ka qaybgalka Israel ee isku aadka Jimcaha la qorsheeyay ee ka dhici lahaa jasiiradda Bali ayaa kiciyey mucaaradad siyaasadeed bishan.

Indonesia ayaa ah dalka ugu dadka badan dunida Muslimka, mana la laha wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah Israel, iyadoo si cad u taageerta qadiyadda Falastiin.

Haatan, Indonesia ayaa laga xayuubiyey martigelinta Koobka Adduunka ee ragga da’doodu ka hooseyso 20 jirrada kaasoo bilaabanaya muddo siddeed toddobaad ah gudahood

Martigelinta Indonesia ayaa bilowgii shaki la galiyey Axaddii markii FIFA ay dib u dhigtay samaynta isku aadka.

Hadalsame Media