”Madaxtooyadu waa magac u yaal” – Siyaasi sheegay in ‘dalka Somalia laga maamulo Imaaraadka’

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Madaxwaynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii u horeysay si lama filaan ah uga hadlay saameynta Imaaraadka Carabta ee dalka ee dib usoo laabatay, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cali Cosoble oo qormo culus kasoo saaray arrintaan ayaa marka hore shaki-galiyay ogolaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhaq-dhaqaaqa xawliga ah ee Imaaraadka uu ka bilaabay dalka, isaga oo dhawaan gadiid dagaal oo badan ka dejistay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Hoos ka aqriso qormada Cali Cosoble oo dhameystiran:

Xasan Sheekh Maxamuud kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta talooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya.

Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sheekh Maxamuud ahaa waa na laga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa.

Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo aysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino.

Haddaad maanta igu tala diidaan maalin ay xeero iyo fandhal kala dhaceen ayaad ii markhaati furi doontaan.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble

Madaxweynihii hore ee HirShabelle

Hadalsame Media