Khabiir sheegay in Arsenal ay gacan wayn ku lahayd cayrinta Conte ee kooxda Tottenham + Sabab yaab leh

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Halyeeyga Arsenal ee Martin Keown, oo haatan ciyaaraha falanqeeya, ayaa aaminsan in laga yaabo in Gunners ay qayb ku lahayd tegistii Antonio Conte ee kooxda Tottenham.

Conte ayaa Tottenham kaga tagay is afgarad guud Axadii, iyadoo 16-bilood ee uu xilka hayey ay soo idlaatay kaddib markii uu si aan caadi ahayn uga hadlay ciyaartooydiisa shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kaddib barbarrihii ay 3-3 kula galeen Southampton.

Keown ayaa dareensan in kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ee ay woqooyiga London ku coltamaan oo haatan 20 dhibcood ka sarraysa Tottenham ay cadaadis dheeraad ah saartay.

Conte ayaa Tottenham ku hoggaamiyay usoo bixitaanka champions league xilli ciyaareedkii hore isaga oo booska kala baxay Arsenal, laakiin kooxda Mikel Arteta ayaa wixii intaa ka dambeeyey la qaban la’yahay.

Keown oo jeclaa wax ka duwan go’aanka Tottenham ayaa talkSPORT u sheegay: ‘Waxan u malaynayaa inay ahayd in ay sii haystaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, shaki la’aan.’

Keown oo la waydiiyey in hadalkiisa ay sabab u tahay xiriirka uu la leeyahay Arsenal oo uu u dheeli jirey, Keown ayaa yiri: “Maya – laakiin hadda maadaama aad xustay – waxaan filayaa in Arsenal ay qayb ka qaadatay cayrintiisa.

“Xaqiiqda ah in Arsenal ay 20 dhibcood ka sarrayso Spurs, xilli sanadkii hore ay labadooduba waqtigan oo kale ay ku jireen loollanka kaalinta afraad ee ugu sarreeya, waxay Spurs saaraysaa cadaadis wayn.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media