Kylian Mbappe oo durba qolka lebbiska ka sameeyey arrin dad badan ku noqotay filan waa (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2023 – Xidigga Kylian Mbappe ayaa khudbaddii ugu horreeysey u jeediyey Xulka France waqtigii nasashada kulankiisii ugu hoereeyey ee uu xirto kabtanka France waxaana daaha laga qaaday tiiyoo xiddigga PSG uu ku leeyahay saaxiibadiis ‘ha u ogolaanina inay neefsadaan’ inkastoo ay 3-0 ku lahaayeen Netherlands xilligii nasashada.

24-sano jirkan ayaa loo magacaabay inuu noqdo kabtanka Xulka Qaranka ee Hugo Lloris kaddib markii goolhayuhu uu ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu ka fariistay waajibaadka xulka France.

Mbappe ayaa labo gool ka dhaliyey Netherlands kulankiisii ugu horreeyay ee uu kabtanka ahaa. Mbappe ayaa markii uu qolka lebbiska soo galay isaga oo erayo dhiirrigelin ah u jeedinaya saaxiibadiis ku yiri sidatan:

“Shaqo fiican saaxiibbayaal!”, ayuu yiri, sida lagu arkayo muuqaalka ay kooxda Faransiisku ku daabacday Twitter. ‘Waa sidaas! Sidaas ayaad ku bilaabaysaan ciyaarta. Waa sida ay tahay inay ciyaartu ku bilaabato” ayuu raacshey.

”Uma ogolaanayno inay neefsadaan. Waxaa jirta qayb labaad. Sidii hore oo kale. Ma daynaynno. Waa sida ay tahay inay wax u dhacaan nimanyahow!’

Hadalsame Media