“Waxaa harsan in goolwalaha lagu ciqaabo maxaad rigoore u qabatay!” – Sharci cusub oo ay FIFA soo saartay oo muran keenay

0

(London) 26 Maarso 2023 – Goolhayaha France iyo AC Milan ee Mike Maignan ayaa si jeesjees ah uga jawaabay sharciga cusub ee rigooreyaasha ee lagu dhawaaqayo dhowaan kaddib hab-dhaqankii goolwalaha Argentina ee Emiliano Martinez oo adeegsadey taatiko uu ku jeedinayo laacibiinta final-kii ay France ka qaadeen.

Hadda, si kastaba ha ahaatee, taasi waa la joojin doonaa, iyadoo shuruucda cusubi ay soo baxayaan 1-da Luulyo.

In kasta oo falkaas Martinez uu ka caawiyey Argentina inay ku guulaysato final-kii Koobka Adduunka, Maignan – oo dhaawac ku seegay tartanka – ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay isbeddelladan cusub.

Shuruucda cusub ayaa waxaa ka mid ah in goolhayayaashu aysan taaban karin biraha goolka iyo shabaqa goolka kahor inta aan kubadda la laadin.

Sidoo kale waa inaysan dib u dhigin tuurista rigoorada, sida lagu arkayey Martinez oo kubadda ka tuurayey ciyaartooyda final-kii Koobka Adduunka.

Goolhayeyaashu waa in aysan mashquulin kubad tuurtaha si ay u jeediyaan, taas oo ay ku jiri karto in lala hadlo laacibka kubadda ridanaya kahor inta aanu kubbada laadin.

Ugu dambayntii, waa in aanay muujin hab-dhaqan aan ixtiraam ku jirin, kuwaas oo ay ka mid yihiin, dabbaaldegyo la sameeyo haddii lacalla rigooraha la cuno.

Haatan Maignan oo rigoore ka qabtay Holland, ayaa waxa uu si jeesjees ah ugu soo qoray Twitter-ka: “Sharciga cusub ee rigoore ee IFAB 2026: Goolhayeyaashu waa inay dhabarka u jeediyaan darbada. Haddii rigoorada la badbaadiyo, kooxda kale waxay helayaan laad xor ah oo dadban.’

Hadalsame Media