Qayladhaan AMAAN oo ka dhacday garoonka Leeds United ee Elland Road & Qof la qabtay (Booliiska oo go’aan qaatay)

0

(Leeds) 26 Maarso 2023 –  Booliiska Galbeedka Yorkshire ee West Yorkshire Police ayaa kula taliyay Leeds in Waddada Elland dib loo furi karo kaddib markii ay xireen nin 20 jir ah Sabtigii kaddib khatar amni oo soo baxday.

Halistan ayaa ku khasabtay in la xiro garoonka Jimcihii iyadoo booliisku ay faarujiyeen aagga, xafisyada garoonka iyo dukaankii naadiga kahor inta aysan samaynin hubin halis amaan oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Laakiin subaxnimadii Axaddan ayuu bayaan kasoo baxay naadigu u dhignaa: ‘Booliska Galbeedka Yorkshire waxay kula taliyeen Leeds in Waddada Elland dib loo furi karo, si deg deg ah. Waanu ka cudur daaranaynaa wixii culays ah, waxaanan uga mahadcelinaynaa shacabka taageeradooda.”

Waxaa Booliiska loo yeeray Jimcihii ‘kaddib markii ay soo baxeen warar ku saabsan khatar ammaan oo soo food saartay dhismaha’.

Booliiska ayaa sheegay Sabtigii in nin 20 jir ah loo xirey ‘shilkaas oo welina baaritaannadiisu ay socdaan’. Waxaa qayladhaanta booliisku ay heleen 9:49 habeenimo ee habeennimadii Khamiistii.’

Hadalsame Media