”Tan waxaa lagasoo qorsheeyey qolka lebiska ee Man City” – Taageerayaasha Arsenal oo aad uga caraysan taako lagu qabtay Odegaard (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2023 – Taageerayaasha Arsenal ayaa aad u caraysan kaddib markii ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man City ee Rodri uu taako xanuun badan ku qabtay Martin Odegaard kulankii Sabtigii.

Rodri ayaa taakada saaray kabtanka Arsenal intii lagu guda jirey isreebreebka 3-0 Euro 2024 ee ay Spain 3-0 kaga badisay Norway garoonka Malaga ee La Rosaleda stadium.

Laakiin Xulka Norway ayaa waxay dareensanaayeen inay ahayd inay rigoore helaan markii Rodri uu gebi ahaanba la kacay kabtanka Arsenal.

Markii Odegaard uu darbo ku tuuray goolka kaasoo uu baloogay daafaca Spain, waxaa taako xaasidnimo ah canqowga ka saaray Rodri taasoo weliba ahayd mid soo daahday oo aanu kubbadda taaban.

‘I’m pretty sure I should have had a penalty,’ Odegaard told TV2 after the match. ‘He’s coming with his studs right on my ankle.

“Waan hubaa inay ahayd inaan rigoore helo,” ayuu Odegaard laftiisu u sheegay TV2 ciyaarta kaddib. ‘Wuxuu buundooyinka kabahiisa toos u saaray anqawgayga” ayuu raaciyey.

Taageerayaasha Arsenal ayaa aad uga caroodey arrintan oo u eg mid doodeedu ay salka la gashay Horyaalka Ingiriiska oo ay isku hayaan labada kooxood ee Arsenal iyo Man City oo ay labada laacib ka kala tirsan yihiin.

Mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa soo qoray: ‘Qolka lebiska City xaqiiqdii waxa ay ka wada hadlayeen Odegaard, taakada Rodri waxa ay ahayd mid la sii qorsheeyey.”

Hadalsame Media