”Boqollaal sano tan lama arag” – Halis dabiici ah oo Somalia kusoo socota oo qayladhaan lagasoo saaray (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2023 – Waxaa laga digayaa halis kusoo socota dalka Somalia, gaar ahaan dhulalka beeraleeyda ah ee dhaca daamaha webiyada koonfurta Somalia.

Digniintan ayaa ku saabsan biyo aad u badan oo kasoo socda dhulka sare ee dhinaca Itoobiya oo ay kasoo qulqulaan webiyada dalka Somalia, sida laga arki karo muuqaal laga soo duubay Galbeedka Iimeey ee dhulka Soomaalida ay Itoobiya maamusho.

Qofka muuqaalka duubay ayaa sheegay in biyahan oo kale aan muddo aad u dheer lagu arkin halkaasi, waloow aan warkiisa si rasmi ah loo qaadan karinna, misna lama yaraysan karo digniinta uu jeedinayo.

Wuxuu sheegay in boqollaal sano ay ugu dambaysey inuu webiga Shabeelle uu keeno biyo intan la’eg, isagoo sheegay in ballaca webigu ay isu jiraan wax ka badan 5km.

”Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulalka ay webiyadu maraan ha iskaga fogaadaan.” ayuu ninkaasi ka digey. Halkan hoose ka daawo.

Hadalsame Media