MAARAYNTA JAHLIGA: Ma ogtahay in JAHLIGA la isu baro sida CILMIGA? (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2023 – Xikmad-yahankii Jarmalka ahaa ee la oran jiray Immanuel Kant (1724 – 1804), ooraahdiisii ahayd aqoontu waa awood (Knowledge is Power), in-kasta oo ay dood badan ka furtay dhamaan faracyada aqooneed, taas oo xoojineysa fahamkan, misana aayad quraan ah ayaa kaga horeysey oo tilmaantay in aqoontu tahay awood. Aqri qaybtii 1-aad….

Aayadda 5-aad ee suuradda Al-Najm, iyada oo ka waramaysa macallinka Jibriil ah ee wax baray suubanihii Maxamed ahaa (sh.n.d.a.), aayaddu waxay tilmaamaysaa xooggiisa. Aayaddu waxay leedahay sidan:

(عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ)

Waxaa halkaas laga fahmayaa xiriirka ka dhexeeya aqoonta iyo awoodda. Ooraaa ah Aqoontu waa Awood macnaheedu waxay tahay qofka ama bulshada aqoonta leh waxay si fudud u maareyn-karayaan caqabadaha ay nolosha kala kulmaan. Mana ay noqdaan kuwo lamid ah Soomaalida maara-waaga ah ee soddon sano iyo ka badan, hannaankii ay ku hoogeen weli xal moodaya. Iyada oo arinkaas laga duulayo ayaa shakhsiyaadka dadka hoggaanka u haya waxay fahamsanaayeen in aqoontu ay tahay awood lamid ah awoodda ciidanka iyo awoodda dhaqaalaha. Aqoontu waxay awood u siinaysaa in dadku ay ogaadaan sida loo xakameeyo loona adeejo xoogagga dabiiciga ah. Waxaana ay noqonayaan kuwo kala saari karia xaqa iyo baadilka, wanaag iyo xumaanta, saxa iyo khaladka, guusha iyo guuldarrida, iyaga oo adeegsanayna aqoontooda.

Aqoontu waxay inagu caawisaa inaan qorshayno oo weiba ay nagu hagto tubta toosan ee aayaha aanu wada-dhowrayno. Waxay kaloo naga caawinaysaa inaan ka gudubno khaladaadka iyo kalsooni-xumida nolosha la-gala kulmo, iyada oo xakameeneysa guuldarrooyinka la wajahayo. Heer qof ayay bulshada ku xoojisaa hor u-marinta noloshiisa maskaxeed iyo midda anshaxeed. Marka ayan ahayn mid loo barto faan iyo in lacag lagu helo ama qabyaalad loogu adeego, aqoontu waxay noqotaa aagab aanan looga maarmin isbeddel bulshadeed oo togan. Waxaa la oran karaa aqoontu waa tiirka nasiibka iyo guusha.

Haddaba marka ay aqoontu tahay awooddaas aanan nolosha looga maarmin, bulsho walba oo la doonayo in laga danaysto waxaa laga weeciyaa waddada aqoonta oo waxaa lagu weeciyaa waddada jahliga. Sidaa darteed faafinta jahliga waa hannaan casri ah oo loo gudbiyo qaab cilmiyeysan oo farsamo sare ay weheliso. Marka la eego isbeddellada cilmiyeed ee waawayn oo ay il-baxnimada adduunku ku soo kordhisay dhinacyda nolosha ee kala duwan, waxaa muuqanaya in isbeddelladaasi ay yihiin guulo waawayn oo u soo hoyatay garashada aadamiga iyo habsamidii uu ugu noolaan lahaa dhulka oogadiisa.

Laakiin waxaa jira isbeddel kale oo ku saabsan u adeegsiga aqoontaas ujeedooyin kale oo laga yaabo in aanay ahayn kuwo anshaxeed. Kuwaasi waa isbeddellada aqoonta ah ee shaqaaleysiineysa marin habaabinta aadamiga iyo khiyaanooyinka lagu luggoonayo basharka. Taasina waxay ku imanaysaa, sida aanu soo xusney in dadka laga hor-joogsado ama laga calwiyo irdaha aqoontii xambaaranayd ogaallada xaqiiqada ah, dabadeed loo furo irdaha aqoonta jahliga ama xaqiiqo wasakhaysan oo shaki iyo humaag uu ku awdan yahay.

Jahligu waa cunsur ka soo horjeeda fahamka dhabta ah ee sababaha dhacdooyinka, halka wacyigu uu yahay erey ka turjumaya xaaladda ay ku sugan tahay maskaxda maraka ay caafimaad qabto, taas oo awood u yeelanaysa in ay si miyir-qab ah ula xiriirto riwaayadaha ka dhacaya fagaaraha ku hareereysan. Asal ahaanna jahligu waa laba qaybood. Mid waa aqoon-darrida qofka uu kaga sugan yahay khibradaha nolosha. Midda labaad waa jaahilnimo ka dhalata maskaxda qofka oo lagu rakibo ogaallada makiinadaha jahliga ka shaqeysiiya.

Maskaxda waa xubinta beegta go’aamada maangalka ah ee qofka uu ku hawl-gelayo. Taasina waxaa damaanad qaadaya garashada xaqiiqda ama aqoonta jahliga. Si raad saameyn leh loogu yeesho fikirka dad-waynaha loona helo natiijooyin waxtar u leh daneeyayaasha, waxaa muhim ah in la maareeyo maskaxda dadka. Taasina waxay u imanaysaa faafinta ogaalada la doonayo in la hirgeliyo ama tirtiridda ogaallada la diidan yahay in ay hirgalaan si maskaxda dadku ay ula qabsato. Daabacaadda iyo tirtiridda lagu samaynyo maskaxda waxay u baahan yihiin habab sax ah iyo aqoon buuxda oo la xiriira hab-dhaqanka cilmi-nafsiga iyo aragtida maaraynta fahamka la faafinayo waxa uu ka dhigan yahay.

Maareynta jahliga wuxuu ka kooban yahay jahliga abaabulan iyo aqoonta jahliga. Sidaas ayaa aqoonta jahliga (Science of Ignorance) ama handasada jahliga (Ignorance Engineering) waxay yihiin farsamooyinka been abuurka ee lagu doonayo in la buuro jahawareer, shaki iyo khiyaamo iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro faa’iidooyin dhaqaale iyo siyaasad. Faa’iidooyinkaas ayaa waxay ka imanayaan agab badan oo la iibsado oo dadka hantidooda sidaas lagu dhaco ama dadka laysku laayo oo dhiiggooda laga macaasho.

Sida caadadu tahay, in badan oo kamid ah dadka, sikoloojiyadda nafsaddooda ayaa waxay u ajajaban tahay la fal-galka aqoonta jahliga, xataa haddii ay aqoon leeyihiin. Dadkaasi oo ah kuwa caqli-gaabka lagu sheego waxay yihiin kuwa Eebbaha uuntay uusan la hadlin. Quraanka ku arki-meysid aayad quraan ah oo wax u sheegeysa caqli-gaabyada. Sabatu waxay tahay iyagu waxay caqligoodii amaahiyeen macalimiinta jahliga, markaas ayay iyaguna habaabeen una halgameen mabaadida lagu habaabinayo aadmiga. Dadkaasi waa kuwa leh tilmaamaha ay kamidka yihiin doqonniino, caajisnimo, dayac, caadifad dheeri ah, hilmaan badan, war-xun jacayl, iimaan-yari, hubsiimo la’aan, aragti-gaabni, dhex-maquurid wax walba. Tilmaamahan iyo kuwa lamidka ah waxay qofka ku abuuraan aragtiyo aqoon ku-dhac ah (Science Fiction), kuwaas oo dhisaya har (hoos) falsafadeed.

La soco qayb kale….

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiqm1000@gmail.com

Hadalsame Media