Muxuu yahay isbedelka jirkaaga ku dhacaya marka aad SOONTO 30 maalmood? + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Maarso 2023 – Sanad walba, malaayiin Muslimiin ah ayaa sooma laga soo bilaabo qorrax soo baxa ilaa qorrax dhaca muddo 30 maalmood ah.

Waxaa kala duwan saacadaha soonka ee dalalka dunida. Dalalka qaar sida Norway, dadku waxay soomaan ilaa 20 saacadood, halka dalalka qaarna saacado intaa aad uga yar laga soomo.

Soonku ma u wanaagsan yahay caafimaadka?

Waxaan eegeynaa waxa ku dhacaya jirkaaga muddada 30-ka maalmood ah ee aad sooman tahay.

Doughnuts

Qoraalka sawirka, Soonka, jirka ayaa isticmaala sokorta dhiigga ee ku keydsan beerka si uu tamar uga helo

Ugu horreyn: Maalinta koowaad ilaa saddexaad

Maalmaha ugu adag waa maalinta koowaad ilaa saddexaad.

Xaqiiqda ayaa ah in jirku uusan si toos ah ula qabsan soonka maalmaha hore. Jirka ayaa nafaqada ka qaata cuntadii ugu dambeysay ee aad cuntay.

Wax yar kaddibna wuxuu isticmaalaa sokorta beerka ku keydsan si uu tamar uga helo. Marka sokortu idlaato waxyaabaha kale ee uu jirku tamarta ka helo ayaa ah dufanta.

Siku chache za kwanza za Ramadhani au kufunga huwa ngumu zaidi, kwani mwili unapaswa kuzoea njaa kwa masaa mengi.

Qoraalka sawirka, Dadka qaar saddexda maalin ee ugu horreysa ee soonka ayaa ugu dhib badan

Marka uu jirku bilaabo inuu gubo dufantaas, waxay sidoo kale ka caawineysaa dhimista miisaanka, waxay yareysaa dufanta jirka iyo khatarta ah in qofku ay ku dhacdo sokor. Si kastaba, sokorta jirka oo yar ayaa qofka u sababi karta inuu daciif noqdo. Xilligaas qofku wuxuu dareemataa madax xanuun iyo tabar darri.

Waa marka uu qofku dareemayo gaajo saa’id ah.

Jirka oo biyaha lumiya: Maalinta 3 ilaa 7

Marka uu jirkaagu la qabsado soonka, dufanta jirka ayaa isu beddesha sokor dhiigga raacda. Marka aadan biyo cabeynin soonka, habeenkii ayaa loo baahan yahay inaad cabto si aad u soo celiso biyaha ka lumay jirkaaga, haddii kale dhibaato ayay kugu noqon kartaa.

Mwanamume anakunywa maji

Qoraalka sawirka, Cabidda biyaha waa muhiim soonka, gaar ahaanna xilliyada kuleylaha

Dhammaan cunnooyinka waa inay isu dheellitirnaadaan oo ay ka koobnaadaan carbohydrates iyo dufan. Waa muhiim inaad qaadato cunto nafaqo leh isla markaana aad biyo badan cabto.

Jirka ayaa la qabsanaya soonka: Maalinta 8 ilaa 15

Wejiga saddexaa, jirka ayaa la qabsanaya soonka.

Dkt. Razeen Mahroof, oo ka tirsan machadka caafimaadka ee Addenbrook cmbridge ayaa sheegay inay jiraan faa’iidooyin kale oo soonku leeyahay.

Chakula

Qoraalka sawirka, Cunidda cuntooyin badan oo bur u badan waxay hoos u dhigaan hannaanka uu jirkaagu isku dayactiro

“Maalmaha caadiga ah, weaxaan cunnaa cuntooyin bur u badan, tanna waxay jirka ka hor istaagi kartaa inuu si wacan u shaqeeyo.”

“Tan waxaa lagu saxaa soonka sababtoo ah wuxuu u oggolaanayaa jirka inuu diiradda saaro shaqooyinka kale.

Sidaas darteed soonka ayaa jirka wuxuu ka helaa faa’iido isagoo is dayactira sidoo kalena ka hortaga oo la dagaallama caabuqyada. “

Khashin saar: Maalmaha 16 ilaa 30

Muddada dhexe ee soonka, jirka ayaa la qabsada dhammaanba hannaanka soonka.

Caloosha, beerka, kilyaha iyo maqaarka ayaa mara marxalad ay isaga saaraan sunta iyo khashinka.

Familia nyingi hufungua mfungo wao jioni kwa karamu kubwa.

Qoraalka sawirka, Dad badan baa ku afura cuntooyin aad u badan

Qoysas badan ayaa ku afura cunto aad u badan.

“Caafimaad ahaan, marxaladdan, shaqada xubnaha kala duwan waa inay si buuxda u soo laabato. Maskaxdaadu waxay u baahan tahay tamar adiguna awood badan ayaad yeelan kartaa,” ayuu yiri dhaqtarka.

“Jirku nafaqada ma isticmaalo si uu tamar uga helo. Tani waa marka aad gaajo gabax la noqoto oo aad murqaha u adeegsato inaad tamar ka hesho. Xaaladdan ayaa dhacda marka aad muddo dheer soonto sida maalmo ilaa toddobaadyo.”

“Maaddaama soonka uu keliya yahay qorrax soo bax ilaa qorrax dhac, waxaa jira fursado badan oo aad ku horumarin karto cuntadaada iyo biyaha si jirku uu tamar u helo. Tallaabadan ayaa badbaado u ah murqaha waxayna sidoo kale gacan ka geysataa dhimista miisaanka.”

Waxaanu weydiinnay marka soonku wuxuu muhiim u yahay caafimaadka?

Dr Mahroof ayaa yiri haa balse shuruud ayaa ku xiran.

“Soonku wuu u fiican yahay caafimaadka sababtoo ah wuxuu naga caawiyaa inaan diiradda saarno waxaan cuni lahayn iyo xilliga. Si kastaba, iyadoo muddada soonka ee bisha ay fiican tahay, haddana laguma taliyo in intaas laga dheereeyo.”

Familia cenando junta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

“In la soomo wax ka badan 30 maalmood si joogto ah ma fiicna sababtoo ah muddo dheer ayaad lumineysaa miisaan jirkaaguna wuxuu bilaabayaa inuu joojiyo inuu dufanta u beddelo tamar, wuxuuna u beddelayaa murqo. Tani waa tallaabo xun waxayna daciifisaa jirka.

Dhaqtarka ayaa ku talinaya in marka Ramadaanka laga reebo, soomidda dhowr maalmood oo ka mid ah maalmaha caadiga ah ay faa’iido u yeelan karto jirka beddelkii aad soonka sii wadi lahayd bilooyin badan oo xiriir ah.

“Soonka bisha Ramadan, haddii si sax ah loo sameeyo, waxay naga caawisaa xoojinta tamarta aan joogto u helno, taas oo ah tallaabo qofku ku dhimayo miisaanka iyadoo uusan jirku waxyeeleyn murqaha.”

BBC

Hadalsame Media