DAYACTIRKII DIIHAALKA: Maxaad kala socotaa ”Mashruuca Baahida” ee ka socda Somalia?

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2023 – Mala socotaa dadkii beeraleyda ahaa ee dhoobada madow qodan jiray waxna ka soo saari jiray in waayadaan dambe howshaas si dadban looga joojiyay.

10-kii sano ee u dambeysay dadkii beeraleyda ahaa waxaa Xeryo badan looga sameeyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, xeryahaas dadka degan badankood hadaad la sheekeysato waxey kuu sheegayaan iney heystaan SimCard-yo ay bil walba ugu soo dhacdo $100-$75 ,reer baa mid heysta,reer baa 2 Simcard heysta kuwaa 3 Simcard heysta.

Balse waxa ay ka siman yihiin iney bil walba ugu soo wada dhacaan lacagahaasi,hadaad tiraahdo maad beerihiinana falataan lacagtiinana qaadataan, waxey kuugu jawaabayaan maxaan ka doonaa dhibkaas biil baa ii soo dhacee….taasina waa midda keentay in maanta nasiibdaro dalkeena Qudaarta looga keeno dalal Uganda, Turkey, .iyo dalal kaleba.

dhibaatada kaloo jirta, waa in aanuu jirin Qoys ama Qof ka mid ah dadkaas oo kuu sheegi kara cidda lacagahaasi ugu deeqday ama bixisa, waxeyse ogyihiin dadku in lacagtu ay macaawino loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale waxaa aad muqdisho ugu yaraaday dadkii shaqaalaha ahaa ama xoogsatada ahaa ee ka xamaalan jiray magaalada iyo gabdhihii jaariyadaha ahaa ee guryaha iyo meelaha kale ka shaqeyn jiray.

taana waxaa u sabab u ah lacagahaan cuuryaaminta bulshada ah, balse aaney weli dadkeena iyo dowladdeenuba ku baraarugsaneyn, waana sababta uu u yaraaday wax soo saarka dalku inkastoo dhul beereedkii dalka ay qeyb ka mid ah ku dagaalamayaan Alshabaab iyo Ciidamada Diwladdu. Hadana dadku waa heli karaan meelo ay wax ku beertaan lkn waa laga cuuryaamiyay.

-Soomaali dhooylaay
-Si xun wax ku doontaay

-Wallee saadambaad garan.!!

Waxaa loo baahan yahay siyaasad deg deg ah oo dhiirrigelinaysa wax soo saarka maxalliga ah.

FG: Warbixintan WQ 2018dii, balse waa dhibaato weli taagan oo u baahan in laga hadlo l si loogu baraarug sanaado.

W; Q: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media