SUUL CAWRO: Meesha ay ruuxda qofka Soomaaliyeed ee hiyi kacsan uga soo bilaabato CABSIDA ku daabacan

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2023 – Ma lagaaga sheekeeyey Sheekooyinkii cabsida badnaa ee xiliyada habeenkii looga sheekayn jiray Caruurta Soomaalida?

• Dadqalato
• Qori is-maris (Dadqal)
• Dhag-dheer (Dadqalato)
• Madax Kuti (Bahal masiibo ah)
• Reer guure raac (Bahal reeraha guuraya habeenkii daba gala)
• Faadumo Far-dheer iyo walaalkeed (Cabsi)
• Suul Cawro. (Sheeko inkaar qabe iyo Cabsi)
  • Dad-qaad (Libaax dad cun ahaa)
• Ismaliig (Dhidar xeebbeed dad cun ahaa)
• Caws iyo Biyo ku nool (Lo’ cabsi badnayd)
• Diin iyo Dawaco (Sheeko khiyaanno)
• Shan badhiyoodle (Bahal dad cun ahaa)
• Cigaal shiidaad (Been iyo Fulaynimo) IWM.

Caruuraha Soomaaliyeed yaraantoodi habeen walba bahalnimadaa iyo Aragagaxaa ayaa lagu maaweelin jiray.

Markay hore u seexan waayaana waxa lagu cabsiin jiray “Caws iyo Biyo ku nooleey kaalay qaado.” Isla marka la yidhaahdo, orod soo kaadi ilmihii ilaa la kaxeeyo oo kiniifka la geeyo soo kaaji maayo oo wuxuu ka cabsanayaa bahalihii dadka qaadanayey kkk.

Kawarran kuwa dadyowga kale ee lagu maaweelin jiray sheekooyinka ay kamid ahaayeen;

• Famous Five

• The Romona Collection

• The Grumpy Bird

• Little Pea

• Touch and Feel Jungle Animals

• Duck! Rabbit!

• Tommorow and Today.

Iyo qaar kaloo badan oo ku saabsan sheekooyin aan cabsi gelinaynin carruurta misna xiise leh.

W; D: Cabdirisaaq Terra

FG: Ilmihii waa la seexiyey balse waxaa loo sii shiday film horror ah oo keenaya inuu soo saso. Waa sida ay u shaqayso istaraatijiyadda ka dara ee Soomaalidu.

Hadalsame Media