War kasoo laabtay sheegashada Somaliland ee ah inaan wax la gaarsiin maxaabiista ay hayso (Daawo)

0

(Burco) 23 Maarso 2023 – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Max’ed Cabdullaahi Nafaqo, ayaa dorraad booqday maxaabiis dhowaan lagu soo qabtay dagaalka Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa xilligaasi beeniyey in tacaddi loo gaystey maxaabiistan oo laftoodu warbaahinta la hadlay sheegayna inaan waxba loo gaysanin, isagoo dhaliilay wax uu ku sheegay ”dad dacaayad been ah faafiyey.”

Maxaabiista lafteeda ayaa sheegtay in si gobannimo leh loola dhaqmay oo qaar dhaawac ahaana la dabiibay kuwii kalena la hayo iyagoo xusay in dad ehel ah oo Togdheer ku sugan loosoo fasaxay waxayna dhankooda ugu baaqeen in la wanaajiyo maxaabiista laga hayo Somaliland.

Yeelkeede, marka la eego muuqaalka laga soo duubay ee ay Somaliland lafteedu soo bandhigtay, waxaa laga arki karaa in la garaacay maxaabiista oo qaarkood ay dhaawacyo ka muuqdaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka oo laga arki karo meelaha ay jareexooyinku uga yaallaan maxaabiista qaarkood.

Hadalsame Media