(Hadalsame) 23 Maarso 2023 – Cristiano Ronaldo waxa uu dhigi doonaa rikoodh cusub oo ka dhigaya xiddigga ugu safashada badan xul caalami ah.
Ronie wuxuu gaari doonaa 197-kulan oo caalami ah hadii uu caawa u dheelo xulka Portugal kulanka Liechtenstein.
Isagoo u saftay 196, Ronaldo ayaa horayba u haystay rikoodhka Yurub, isagoo waa hore kala wareegey Sergio Ramos oo saftay 180.
Kulankii ugu dambeeyey ee uu Ronaldo u saftay xulkiisa ee uu ka hortagey Morocco wareega 8-da ee Koobka Adduunka 2022-kii, taasoo ka dhigtay inuu barbarreeyo rikoodhkii adduunka ee Bader Al-Mutawa (oo 196 u saftay dalka Kuwait).
Hadda se, 38-jirkan reer Portugal ayaa laga yaabaa inuu keligiis la wareego hoggaanka waxaana ka xigta ciyaarta caawa oo uu garoonka cag dhigo uun.
Hadalsame Media