Xiddigaha Xulka Ingiriiska oo fashilmay markii la geliyey kedis ku saabsan xisaabta iyo af Ingiriiska (Daawo)

0

(London) 23 Maarso 2023 – Kahor kulanka isreebreebka Euro 2024 ee England ay la ciyaarayaan Italy, wiilasha Three Lions ayaa waxaa imtixaan ka qaadday Rachel Riley oo ka tirsan hilinka Channel 4 barnaamijkiisa Countdown.

Xulka Saddexda Libaax ayaa ka qaybqaatay kedis aan hore looga baran kahor safarkooda magaalada Napoli, halkaas oo ay ku wajihi doonaan Italy kulankoodii afraad laba sano gudahood, iyo ku celiska final-kii Euro 2020, kaas oo England looga badiyey rigoorayaal.

Waxaa ka qaybgalay xiddigaha England sida John Stones, Luke Shaw, Eric Dier iyo James Maddison oo barnaamijka lagu casuumey.

Ciyaartooyda England ayaa waxa xirfaddooda xisaabta iyo Ingiriisiga tijaabo ka qaadday Riley, iyada oo dhammaan afarta laacibba laga qaaday halxiraalayaal ku aaddan tirooyinka iyo erayada.

Maddison waxa uu wajahay Dier wareegii furitaanka, inkastoo labada xiddig ee Premier League midkoodna uusan ku guulaysan wax ka badan kelmadaha min afarta xaraf ee meat iyo heat, taasoo keentay inuu ku qoslo Saka oo laftiisu qaamuus isticmaalaya, isagoo markii laftiisa la waydiiyey eray ka badan afar xaraf la yimid Viamin oo lagu qoslay.

Waxaa isku soo haray Luke Shaw iyo James Maddison, waxaana helay Maddison.

Hadalsame Media