”Telefoonkiisa xitaa waan wacnay” – Delle Alli oo wacaalkiisa la la’yahay lagana baafinayo Turkiga

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2023 – Xidiggii hore ee Tottenham, Dele Alli, ayaa lagu la’yahay Turkiga kamana jawaabayo taleefoonka Besiktas – sida uu sheegay maamulaha kooxda Senol Gunes.

Laacibka heerka caalami ee dalka England ayaa hoos u dhac wayn uu ku yimid tiiyoo uu sannadihiisii quruxda badnaa kusoo qaatay Premier League isagoo ka mid ah ciyaartooyda ugu hibada sareeysa ee dalka England intii uu joogey Spurs – isagoo soo baxay 2015 – laakiin hoos u dhac wayn la kulmay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu si xor ah ugu biiray Everton sanadkii hore laakiin dib uma soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii sare oo wuu ku faloobay kahor inta aan Besiktas amaah loogu dirin,iyadoo aanu xaalku waxba iska bedelin xitaa markii uu Turkiga tegey. Haatan se waaba la la’yahay isagii dhamaa.

“Dele Alli ma uusan noo imaan waqtigan. Roob baa da’aya, malahayga waa sababta uu u iman waayey. Waxaan isku dayaynaa inaan warkiisa maqalno. Waanu ku heli kari waynay telefoonka Waxaan rajaynayaa inuusan shil gelin.” ayuu yiri macallinkiisa Senol Gunes.

Hadalsame Media