CAQABAD KALE: Kooxaha Man United & Chelsea oo kaalinta AFRAAD u qoonsan kara Liverpool

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2023 – Liverpool ayaa u halgamaysa tartanka loogu jiro inay afarta sare ku dhamaysato si ay sanadka dambe ugu soo baxdo Koobka Champions League si ay woxoogaa iskaga mayrto xilli ciyaareedka xun ee soo maray.

Laakiin xitaa taasi kuma filna Reds waayo xitaa haddii ay kaalinta afraad cariirsato lama hubo inay geli doonto tartanka CL, wuxuuna dhibku ka haystaa dhanka Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku jirta dhowr kooxood oo ay ku jiraan  Newcastle, Brighton, Fulham, Brentford iyo Chelsea, kuwaas oo fursad u wada haysta inay ku dhammaystaan afarta sare.

Labada boos ee hore waxa hubaal ah inay xajisanayaan kooxaha u tartamaya horyaalka ee Arsenal iyo Manchester City, halka boosaska saddexaad iyo afraad ay hadda ku kala jiraan labada kooxood ee Manchester United iyo Tottenham siday u kala horreeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii labada kooxood ee Man United iyo Chelsea – oo weli ku jira tartamada Yurub – ay ku guulaystaan ​​tartamadooda oo ay misna ku dhamaystaan meel ka baxsan afarta sare, markaas kooxaha seddexaad iyo afaraad ku jira ayaa ayaa boosaskooda waayi doona.

Haddaba, Liverpool booskeeda afarta sare ayaa ah mid aad uga fog wax la hubo inay CL ku aadayso kaddib xilli ciyaareed liita oo ay ku heleen 42 dhibcood 26 kulan oo ay ciyaareen, taasoo ah dhibaato kale oo walaacinaysa.

Hadalsame Media