“Waxaa lagu dhuftay 14 xabbadood” – 2 gabdhood oo Soomaali ah oo isku diley Maraykanka & Waxa dhacay

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2023 – Haweeney 26 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad dil heerka koowaad ah iyada oo lala xiriirinayo toogasho halis ah oo ka dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Othello ee magaalada Seattle horraantii bishan, sida ku cad dikumentiyada maxkamadda.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey Jamiila Axmed Cabdi inay 14 xabadood ku dhufatay Farhiyo Yuusuf bannaanka gurigeeda subaxnimadii hore ee 4-tii bishan Maarso.

Gabadha dilka ku eedaysan oo haatan ku xiran Xabsiga wayn ee King County Jail ayaa damaanad ahaan inta dacwaddu socoto lagu dayn karaa $2 milyan.

Wax yar 2-dii saqda dhexe kaddib, booliisku waxay ka jawaabeen qayladhaanta 4200 Block ee South Othello Street waxayna heleen Yusuf. Gurmadayaasha ayaa deeto isku dayey tillaabooyin naf-badbaadin ah, laakiin waxay ku dhimatay isla goobta sida ay sheegeen.

Muuqaalka CCTV-ga goobta ee la daawaday ayaa muujinaya in Jamiila Cabdi ay gurigeeda gaysey Farxiya Yuusuf, waxaana gaariga ku dhex jirey laba haween oo kale muddo daqiiqado ah kahor inta aysan Farxiya Yuusuf gudaha gelin, sida ku cad warqadaha maxkamadda.

Jamiila Cabdi oo gaariga ku hartay, ayaa deeto wacday marar badanna farriimo u dirtay Farxiya Yuusuf “si ay dhibbanaha dib ugu soo celiso bannaanka,” ayay qoreen dacwad oogayaasha oo uu xiganayo Seatle Times. Waxaa kaddib la sheegay inay kasoo degtey gaarigeeda iyadoo ku hubaysan qori gacmeed, iyadoo sugaysa.

Muuqaallo ayaa muujinaya in Farxiyo Yuusuf ay markii dambe soo baxday iyadoo qof saaxiibkeed ah talefoon kula hadlaysa oo gacanta ku haysata koob khamri ah.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay qoreen in Farxiya Yuusuf kaddib ay dhinaceeda usoo dhaqaaqday Jamiila Cabdi, taasoo la soo baxday qorigii deetana ku dhuftay 14 xabbadood.

Jamiila ayaa la sheegay inay gabadha rasaasta ku waddey xitaa markii ay dhulka ku dhacday, waxaase shalay oo Jimce ahayd soo qabtay booliiska iyadoo markii la waraystay isku dayday inay inkirto waxa dhacay walow la helay gacmo gashi muujinaya raadkeeda.

Maxkamadda kale ayaa la muddeeyey 23-ka bishan Maarso.

Hadalsame Media