Saamaynta dagaalka Laascaanood oo koonfurta laga dareemay & Magaalada ugu daran

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2023 – Waxaa weli holcaya dagaalka Laascaanood oo u dhexeeya dadka degaanka iyo Maamulka Somaliland oo sheeganaya xukunka magaalada, iyadoo uu saakadii hore halkaa ka dhacay dagaal cusub kahor maalmo uu xaalku yara degganaa.

Haatan waxaa soo baxaysa in dagaalku saameeyey dhul aad uga fog furunta dagaalka.

Qiimaha badarka iyo digirta ayaa hoos u dhac wayni ku yimid magaalada Beledwayne, iyadoo ay beeraleyda Hiiraan isku dayayaan inay si rakhiis ah ugu iibgeeyaan dalagyada kasoo go’a beeraha gudaha, maadaama aysan awoodin inay wax soo saarkooda u iib geeyaan Somaliland.

Gaadiidkii sida caadiga ahaa raashinka uga soo daabuli jirey gobolka Hiiraan ee u kala gooshayey suuqyada kala duwan ee Somaliland ayaa hakad ku jira, kaddib markii ay mari waayeen gobolka Sool, halkaasoo ay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ay qalalaase ka abuureen, islamarkaana ay xireen waddooyinkii.

Cumar Muumin Cismaan oo ka mid ah beeraleyda magaalada Beledwayne ayaa xisaabinaya kgasaaraha ka dhashay dagaalkan kaddib markii uu awoodi waayey inuu suuqyada woqooyiga u iibgeeyo dalagyadii uga soo go’ay beertiisa.

Waxa uu soo goostay 1,142 jawaan oo galley, digir iyo meseggo ama haruur ah oo ka baxay 12 hektar oo beer ah, balse waxa uu ku guulaystey in uu ku iibiyo 187 jawaan oo kaliya oo uu ka helay $450 doollar.

“Beertan ayaan maalgashaday muddo dheer, anigoo ku fikiraya inaan iska bixin karo kharashka maalgashigayga, laakiin hadda xaaladdu way sii adkaanaysaa.” Ayuu Cumar u sheegay Raadiyo Ergo.

“Waxanu heli jirnay dakhli fiican marka aanu iibinayno raashinka maadaama aan xataa Hargaysa u iib gayn jirney. Hadda se ma jirto cid iibsanaysa wax soo saarkeenna.” ayuu ku calaacalay isagoo rajaynaya in xaalku caadi kusoo noqdo.

Hadalsame Media