Kaddib UK Baarlamanka dal kale oo reer Galbeed ah oo mamnuucay aaladda Tik Tok

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2023 – App-ka caanka ah ee lagu faafiyo muuqaallada ee Shiinaha laga leeyahay ee TikTok ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay dhammaan aaladaha geli kara shabakadda Baarlamanka New Zealand, Madaxa Fulinta Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay.

New Zealand ayaa noqotay waddankii ugu dambeeyey ee raacay hoggaanka Maraykanka oo xaddida gelitaanka mas’uuliyiinteeda ee TikTok walaacyo la xiriira amniga xogta darteed.

Horraantii toddobaadkan, Dowladda UK ayaa waxay ka mamnuucday Wasiirrada Ingiriiska iyo shaqaalaha rayidka ah inay isticmaalaan app-kan, oo ay iska leedahay shirkadda teknolojiyadda ee ByteDance oo uu fadhigeedu yahay Beijing, taasoo markiiba dhaqangashay.

Jimcihii maanta, Madaxa Fulinta ee adeegga Baarlamanka New Zealand, Rafael Gonzalez-Montero, ayaa wuxuu sheegay in halista xildhibaannada waddanku ay u ban-baxayaan haddii uu TikTok ku rakiban yahay taleefannadooda “aan la aqbali karin.”

“Adeegga Baarlamanku wuxuu ku wargeliyey xubnaha iyo shaqaalaha in app-ka TikTok laga saari doono dhammaan aaladaha galaangalka u leh shabakadda Baarlamaanka.” ayuu yiri.

Reer Galbeedka ayaa Tik Tok ku eedeeyey inay xogaha gaarka ah ee isticmaalaha ay u gudbiyaan dhinac 3-aad, iyagoo ula jeeda nidaamka Shuuciga ah ee Beijing oo ay ku tuhmeen inay wax u basaasaan.

Tik Tok waa beenisey eeddaas.

Hadalsame Media